Ciidanka Faransiiska oo Qabsaday meel u Dhow Timbuktu

Ciidanka Faransiiska oo Qabsaday meel u Dhow Timbuktu

Mali-Timbuktu
Xoogagga Faransiiska ayaa qabsaday garoonka diyaaradaha iyo wadooyinka gala magaalada Timbuktu, iyagoo sii wada howlgalka ay kooxaha xag jirka ah uga saarayaan wuqooyiga dalka Mali.
 
Xoogagga Milateriga ayaa sheegay in ciidanka dhulka iyo kuwa dalaayadaha ku booda oo wata Helicoptaro ay la wareegeen gacan ku haynta garoonka diyaara ee magaalada.
 
Hay’adda hidaha iyo dhaqanka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNESCO, ayaa Timbuktu u aqoonsan inay ka mid tahay meelaha qadiimiga ah ee caalamka, waxaana ku yaalla masaajid facweyn iyo qabuuro ay ku aasan yihiin culimo caan ah oo la dhisay qarnigii 15aad. Laakiin kooxda Xagjirka ah ee Ansar Dine ayaa goobahaas lagu cibaadeysto u arka inay diinta xadgudub ku yihiin, waxayna kooxdu burburisay qabuuro iyo meelo lagu cibaadeysto oo magalada ku yaalley.
 
Duqa magaalada Timbuktu ayaa sheegay Isniintan maanta ah, in kooxaha xagjirka ahi markii ay isaga cararayeen magaalada, ay dab sii qabadsiiyeen maktabad ay yaaleen diiwaanno taariikhi ah.
 
Magaalada Timbuktu waxa ay 3 boqol oo KM dhanka wuqooyi-bari kaga beegan tahay magaalda Gao, halkaasoo ay ciidamada Faransiika iyo kuwa Mali dib u qabsadeen maalinkii Sabtida kadib markii ay maleeshiyada mintidiintu isaga baxeen magaalada iyagoo aan sameyn wax iska caabin.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada