Daawo Sawirada Wiil Soomaali Ah Oo Ka Tirsan Booliska UK Oo Lagu Toogtay Kenya

Daawo Sawirada Wiil Soomaali Ah Oo Ka Tirsan Booliska UK Oo Lagu Toogtay Kenya

Jamaal Moghe oo ah 26 jir ka tirsan booliiska Uk ayaa lagu dilay wadanka Kenya isagoo deeq gaarsiinaya arday wax ka barata iskuulaad ku yaala dalkaasi.

Qoskiisa ayaa rumaysan in wiilkaan si gaar ah loo bartilmaamaystay sababto ah waxa la arkay aqoonsigiisa boolisnimo.

Jamaal ayaa wadanka Britain yimid isagoo yar kana soo qaxay wadanka Soomaaliya. Jamaal ayaa ku jiray fasax kadibna waxa uu booqasho uu aaday wadanka Kenya si uu samofal u gaarsiiyo iskuulaad ku yaala dalkaasi.

Wiilkaan ayaa saarna bas ay lasoocdeen dad gaaraya ilaa 70 qof kaligiis ayaana la dilay. Burcada geystay weerarkaan foosha xun ayaa ku amray qofkasta inuu banaanka keeno waxa uu wato oodhan iyagoo baaray jeebabka dadka iyagoo markii dambe qaatay kaameradii iyo laaptoop uu watay Jamal ka hor inta aysan dilin.

Booliska Kenya ayaa sheegay inay dileen lix ruux oo ka mid ah dadkii falkaan geeystay.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada