Dawladda Somalia oo laga Dalbaday inay soo gudbiso qorshe ku saabsan dhisme laba Jid oo gala....(Daawo Sawirada).

Dawladda Somalia oo laga Dalbaday inay soo gudbiso qorshe ku saabsan dhisme laba Jid oo gala....(Daawo Sawirada).

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda maaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo warbaahinta la hadlay markii la soo gebagebeeyey shirka ayaa u sheegay in ay uga doodeen arrimo ay ugu muhiimsanaayeen Ammaanka iyo horumarka ay ciidamada Qaranku ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobollada dalka, taasoo lagu wiiqay awooda kooxaha nabadiidka ah.

Wasiirka ayaa ka warbixiyay howlgalada ay ciidamada Dowladdu ka wadaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, halkaasoo ciidanka Dowladdu kula wareegeen degaanno cusub oo ay awood uga saareen kooxihii Nabad-diidka ahaa ee shacabka ku dhibaateynayay goobahaas.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ee Xukuumadda ayaa Guddi u saaray sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa waxqadka Xukuumadda ee boqolka (100) maalmood oo ay ka harsantahay mudo yar. Waxaana loo saaray Guddi ka kooban 5 Wasiir iyo 3 xubnood oo ka socota Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Golaha ayaa sidoo kale ka dooday soo jeedin ka timid urur goboleedka IGAD kaasoo looga dalbaday Dawladda Soomaaliya inay soo gudbiso qorshe ku saabsan dhisme laba Jid oo ka mid ah Jidadka gala Wadamada Deriska ah taas oo ay ku tabaruceen dhismaheeda si uu u fududaado isu socodka dalalka ku bahoobay ururka IGAD, sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti

Ugu danbayntii Golaha ayaa isku raacay in la sameeyo Ciidamada sida deg degga u hawlgala ugana jawaaba dhacdooyinka ka dhaca magaalda muqdisho, kuwaas oo loogu talagalay inay hawl gallo fuliyaan marka la soo gaarsiyo dignino ku aadan arrimaha nabad galyada, iyadoo isla markaa loo samaynayo dadka ku dhaqan Muqdisho telefoono ay soo garaacaan marka ay arkaan wixii halis ku ah nabad galyada.








_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada