Diyaarad Dahab dhan 1.5 tons waday oo lagu qabtay Istanbuul.

Diyaarad Dahab dhan 1.5 tons waday oo lagu qabtay Istanbuul.

Diyaarad Kaargo ah (cargo plane) oo laga leeyahay waddanka Turkiya oo waday Dahab Gaaraayo ilaa 1.5 Tons ayaa lagu hakiyay Garoonka IstanbulAtatürk Airport Afar Maalmood ayay ku xayirantahay, Garoonka Istanbuul waxa ay diyaarada soo caga dhigatay 01/01/2013 iyadoo ka soo duushay waddanka Ghana kuna sii jeeday Magaalada Dubai.

Sida wararku ay sheegayaan Diyaarada waxay usoo martay Istanbul in ay Shidaal kasii qaadato & in shaqaalaha ay isku badalaan oo Bayloodka iyo shaqaalaha saraan laga badalo oo Baylood iyo shaqaale cusub lasaaro, Diyaaradaan waxay soo martay wadankaAljeeriya oo ay 45 Daqiiqo fadhiday markii ay Ghana ka sooo duushay.

wararka waxaa soo tabisay DoÄŸan news agency Diyaarada hadda alaabadeeda waxaa xiray qaybata ilaalada Garoonka (security

measures.) sababtana waxay ku sheegeen waxaa ka dhiman waraaqo cadeeynaayo in Dahabkaan uu si sharci ah uga soo baxay Waddanka Ghaana & in kale.

Bisha koowdeeda ilaa iyo maanta ayay ku xayirantahay Garoonka Diyaaradaha Istanbuul. Ciidanka ilaalada Garoonka ayaa yiri Hadii aan Helno Cadeeymo buuxo in Dahabkaan uu si sax ah uga soo baxay Waddanka Ghana Diyaarada safarkeedii Dubai ayay sii wadanaysaa hadii aysan keenina waxaan la Tiigsanaynaa sharciga

Magaalada Dubai sanadihii ugu danbeeyay waxay noqotay meel loo iibgeeyo Dahabka & Dheemanka Laga keeno Qaarada Afriko ,Dubay waa Magaalo Free ah oo aan Canshuur ama Tax lagaa rabin , iyadoo wax walbo aad keensan karto, Wadanka Emaaraadka waxaa ku soo jabo sanad Walbo Wadankii Dumo 

Dadkiisa , hadii aan dib ufiirino Dubai waxaa ku soo dumay ama soo dagay Dalalka ay Dowlada hooda ay Bur buraan sida Ruushka, Somaaliya,Afgaanistaan,Ciraaq,Liibiya,waxaa la iskuge keenay wixii xoolo ay lahaayeen wadamdaaan iyo aqoontii taalay wax walboo lasoo xado ama lasoo farsameeyo ayaa loo beec keensadaa wadankii somaaliya wixii hanti Qaran yaalay ayaa loo soo dhoofiyay , Dhuxusha IWM waxaa loo soo dhoofiyaa Dubay waxay marti gelisaa Qof kastoo xoolo wato siduu doonaba haku keensadee, Magaalada Dubai waxaa loo bixiyay Madiinatul Xayyi Wal Maal
Magaaladii Nolasha iyo Lacagta,

hadii Alla idmo waxaan idin soo bandhigi doonaa Qormooyin aan uga hadlidoono Magaalada Dubai iyo Axwaasheeda

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada