Waxaa
maalmahanba kusoo badanayay mareegaha ay soomaalidu ay wax kuqorto
faallooyin iyo maqaallo badan oo kusaabsan shakhsiyadda sayid maxamad
cabulle xasan iyo hab dhaqanki xertiisi daraawiishta aheyd.
qormooyinkaas waxaa kujiray gef iyo gardarro weyn oo laga galay
taariikhda umadda iyo sooyaalka. inkasta oo ay aad ubadnaayeen
qormooyinkaas haddana middi ugu yaabka badneyd waxa ay ahayd qormo
ciwaan looga dhigay "daraawiishi yaa ay ahayd" ee uu qoray ninka lagu
magacaabo ibraahin yuusuf axmed "hawd" qoraagani waxa uu sifo iyo
tusaalaba usoo uqaatay wax walba oo xumaan lagu sheegi karay.
Midna waa iga
afeef. ma garaysni heerka uu la egyahay fahamka suugaaneed ee qoraagan
taasna sabab la aan uma dhihine bal wax yar tusaalahaan aan ku qeexo.
waxa uu qoraagu soo qaatay beejaj kamid ah gabayga "durdur" ee abwaan
hadraawi. beejajkaas sida caadiga ahba waa murti caad ah oo aysan jirin
ujeedo kadambeysa waxa uuna abwaan hadraawi noo sawirayay hammiga iyo
halka uu hiigsanayay sayidku qeybahaas uu walaalkeen sida aan habooneyn
uturjumay waxay ahaayeen.
wuxuu yidhi darwiishkii taleex barasho waa doore
dagaalkaan abaabulay raggii duubka wada qaatay
daraawiishta nimankii labaxay waxaan usii daayay
daliilkii ilaah iyo waxan diinta ugu dhaarshay
hadii duullan loo baxo waxaan ula dardaarmaayay
waxaan duhur ilaahay baryeen tiriyay deeqdiisa
waxaan "daaimow"idhi habeen doqonta oo jiifta
dirkii xiin faniin iyo waxaan seef isula doonay
dabkaan shiday waxaan gaal cad dilay dabatadaan laayay
nolol dalab leh oo jaban waxaan geeri uga doortay
gobonnimo daryeel baan lahaa dowladnimo taage
maatada ha deeqdaan lahaa sidigta doolaabe
shanta kala dab raacdaan lahaa degel ha ooteene
dakharada bogsii baan lahaa boogta kugu taale......ilaa dhamaadka
haddaba
akhriste waa maxay ujeedada kadambeeysa hadaladaas cad cad ee tusaalaha
muuqda u ah sida uu sayidku ugu han weynaa in la helo madax banaani iyo
xornimo dhab ah. soomaalidi xilligaas joogtayna kama aysan abaal dhicin
waxayna aad umuujiyeen wax qabadki iyo dadaalki daraawiishta. sidoo kale
waxaa iyada xusid mudan gabaygi taariikhda galay ee uu abwaan qaasim
tiriyay maalinki xornimada lahelay ee ahaa..
allow yaa darwiishkii farriin dabacsan gaarsiiya
allow yaa dadkaagii yidhaa dowladnimo qaaday
allow yaa dabaaldeg iyo farax kala dul eedaama
fardaha yaa dirkii dhooddimeer doona faraciisa
allow yaa darmaan fara taqaan duqa uheenseeya
allow yaa duleedada taleex uga damaashaada
dhaaxuu kudaakiray xaqoo naga dahsoonaaye
ha daawado dadkuu uhiiliyiyo dooga soo baxaye
allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara
in dariiqadi nooshahoo dihine soo gaadhay
ee uu dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray
allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega
ha iloobin
qoraaga aan faaladiisa dhaliilsanahay gabaygaanna waxa uu huwiyay macno
uusan laheyn. waxaa intaas kasii daran hadal yar ee uu qormadiisa
kudaray kolley dad kale waxa uu lanoqon lahaa wax caadi ah. balse
dhagaxna meel dhow buu dhacaa dhawaqna meel dheere aqriste hore ma
umaqashay abwaan soomaaliyeed oo aflagaadeynaya sayidka iyo halganka
taariikhdaba? waxa uu qoraagaasi sheegay in raggi hore ee gabayada iyo
suugaanta ku xeel dheeraa ay wada mareen hal waddo oo ah ka hor
imaanshaha ina cabdulle xasan! ma ogi hadii xayeysiin loo sameyn doono
cali dhuux oo inta badan aan kawada dharagsannahay waxa uu ahaa.
hadaan wax
yar kasoo qaadanno hadalada iyo aragtiyada ay hal abuurada soomaaliyeed
ka aaminsanaayeen halganki daraawiishta. aan mar kale kulaabanno abwaan
hadraawi. maansada caanka ah ee "kala guran" marki uu soo tiriyay rag
badan oo wax gal ahaa ee waqtiga sayidka kahor noolaa. ayuu yidhi
gaashaan nin sidan jiray
iyo hibada geesiga
gabayguna ufududaa
faraskana la golongolay
ruuxii gartow sheeg?
kasii gudub
oo haddana bal aan aragno fikirka abwaan gaariye ee ku aadan taladi lagu
gablamay ee wadaadadi uu gumeystuhu wax ulaqimi jiray ay ku gooyeen
geedki la oran jiray canjeel.
waxaan garanayaa
hadii ay gef tahay
galabaan fogeyn
inaan geed canjeel
taladii gurdumi
tii lagu goblamay
gacalka uga digo
waxaa xusid
mudan in geedkaas lagu maleegayay shirqool ka dhan ahaa sayidka iyo
daraawiishtaba. marki dambana waa ayadi lagu fashilmay geedkina
magaciisi loo bixiyay canjeel talo waa". dagaaladi qaraaraa ee uu
sayidku lagalay gumeystaha waa kuwo taariikhda baal dahab ah kagalay.
maantana magaca halgame soomaaliyeed qofki doona inuu kasheekeeyo oo
aanan sayidka sheegin waxa uu lamid yahay ninki lagu dhahay geedo oo
dhan soo tiri ee garaska kasoo tagay.
ragga
dhaliila ama wax kasheega halgamayaasha soomaaliyeed waxa ay inta badan
sigaan xattaa in ay dafiraad kusameeyaan gabayadi iyo oraahyadi cajiibka
badnaa ee umaddana dhaxalka lama ilaawaanka ah u ahaa. colaadinta
heerkaas gaartay ee uu qoraagaas umuujistay aabe kamid aabayaasha
xornimada weliba ah shakhsiga ugu caansan ee dhiigiisa iyo naftiisaba
uhuray gobeynta umadda soomaaliyeed. waxa sababta u ah isla qoraaga ayaa
uga jawaabay faallaadiisa qeybaha ugu dambeeya waxa uuna yidhi.
"tusaalaha ugu fudud ee aynu waalidaan ku eegi karraa waa tan aniga iyo
awoowayaday.awoowgeey hooyo oo ay ina cabdulle xasan isku heyb iyo degmo
ahaayeen. iyo awoowgay aabe oo aynan waxba isu aheyni. bilowgii ilaa
dhamaadki meel beey daraawiish uga soo wada jeedeen. sutida ayay uwada
hayeen. oo isku dhufeys ayay kaga ridayeen" maxaa kuu baxay aqriste?
maxaadse kadheehatay dhadhanka oraahdaas? sow ereyga qabiilku nagama
dhamaado?
KALA SAARID GEFKA IYO UJEEDADA
gefka ama
qaladka waa wax kadhaca aadanaha koonka jooga kuwi
hore kuwa hadda
jooga iyo weliba inta imaan doonta. kumaba sii jirto marka aad uqalab
qaadato dagaal saf balaadhan ah oo agabyada laysu adeegsanayo ay yihiin
kuwo kala duwan. kuma sii jirto marka aad ubabac dhigee dowlad quwad
ahaan lamid ah ingiriiska adigoo guntiga kuu surantahay seef gacmahan
kuwata warramo. dagaal macnihiisu ma ahan inaad noqoneeyso ceeb la"aan
sidoo kale tilmaamaha iyo waxyeelada dagaalka kama sheekeyn karo qof
wadamada qurbaha iskaga cabay biyo qaboow. balse ujeedadu maxay ahayd?
maxaase laga faa"iiday dagaalki lala galay gumeystaha? dadka
dhaliilaha usoo jeediya sayid maxamad cabdulle xasan inta ugu badan oo
ay kuheystaan ayaa ah inuu qabiilada ay iyagu kadhasheen ku sheegay kuwo
aan diin haysan amaba shisheeyte kalkaal.
abwaan
hadraawi mar kale ha noogaga sheekeeyo dhibki ay mareen reer fiyaat
naam dagaalki ay kala hor jeedeen mareykanka. gabayguna waa galangel....
nin gablamay nin aan gaban uharin gaar nin kaligiisa
gallad qubatay xooliyo dad iyo garangar duugoowday
gocoshiyo xanuun ma leh wixii guud ahaan lumaye
gobannimada waa loo dhintaa gooriyo ayaane
ummad gadata mooyee nin kale waa ka gara nuuge
ma goblosho beertii xabiyo dhiig ku gororaaye
damalkii lagooyaba mid baa soo gadaal baxa e
guri laga baroortaba aroos gaafan baa xiga e
hadaan loo garraar deeyninoon waayo lagu guurin
way gaagaxdaa talada aad gole kafuushaaye........
aqriste yaan
tusaalooyinka kugu badinine. aflagaadada qoraagaasi waxa ay kagudubtay
halki cabbirku ahaa ee uu qormadiisana ugu magac daray. waxa uuna xero
taraaray sumacadda aqoonyahannada soomaaliyeed iyo dadka taariikhaha
aruuriya. waxaana kaxusi karnaa raggaas. axmad faarax cali idaajaa iyo
aw jaamac cumar ciise oo uu kutilmaamay rag marba dhan uroga taariikhda.
balse waxaa layaab laheyd halka uu maciin biday qoraagaas. gabagabada
qoraalkiisana waxa uu far muuqay meesha ay isaga latahay in loogu
hagaagi karo sooyaal huban iyo taariikh sal go"an. balse waxaa
kaqaldantay is weydiinta ah yaa adiga kaa dhageysan doona taariikh laga
waayay raggaas ku caan baxay aqrinta keydinta iyo weliba xifdinta wax
walba oo kobcinaya fahamka jiilka soo koraya?
mid kale oo
aan ad uga gilgishay ayaa aheyd inay jireen labo nin oo aniga iga hor
kajawaab celiyay qoraalka ninkaa. balse labadoodaba kuma jirin nin u
istaagay difacidda taariikhda iyo sooyaalka. mid walba oo iyaga kamid
ahna waxa uu difacayay qabiilka ciisaha oo muran badan dhexdooda
kadhaliyay midka uu yahay ciisahaas gabayga sayidku kahadlay. sow ma
ahan wax lalayaabo in aysan waxba saameyn ah kula yeelan aflagaado iyo
eed aanan jirin oo dusha laga saaray halgame soomaaliyeed oo dhintay
boqol sano kahor balse aad ka kululaato erey aadan xattaa hubin in loola
jeedo reerkaada? maanta ma waxaan joognaa xilligi aan kumashquuli
laheyn ceebaha ay lahaayeen aabayaasheeni xornimada?
NATIIJADA QORAALADDA KASOO HOR JEEDA SAYIDKA.
1. baabi"inta
taariikhda halganki loo galay. iyo duminta sooyaalka soomaalida ayadoo
labanneysanayo sharaf dhacca qiilna looga dhiganayo qaladaad dagaal
2.
gumeynta umadda soomaaliyeed oo kadhigan in dadka laga dhaadhiciyo in
soomaalidu ay tahay dad aanan waligood udagaalamin inay madax
banaanaadaan
3. in
jiilka soo koraya aysan yeelanin wax ku dhiiri galiya inay wadankooda
kadifaacdaan cadaawaha. ayadoo meeshana laga saarayo shacaarki iyo
astaanti wadaninimo.
gebagebada
waxaan jeclahay oo weliba talo iga ah inaanay saxaafaddu ku dhiiranin
soo bandhigista ceebaha iyo qaladaadki uu lahaa hogaamiyihi daraawiishta
taasna tix raaceedu waxa uu ku cadyahay diinteena ceeb kasaliimka ah.
sidoo kale dhaqankeena soomaaliyeed ayay kutahay wax laga xumaado in qof
geeriyooday eray laga daba dhaho. balse nasiib darrada ayaa ah inaan
maanta aragno ayadoo dadaal iyo qarash fara badan lagalinayo sidi lagu
baddeli lahaa taariikhda umadda soomaaliyeed. hadeey taas dhacdana waxa
aan sugnaa waa in taaladda rechard corfeild ama koofil laga taago gudaha
soomaaliya taallada sayidkana ladajiyo.
sayidkeenu waa gobe
galladiisu waa nuur
geesiyada lasheegana
gayigeena kuwa jira
asigaa gudoonshe ah
gar darradu ma fiicnee
gabayada bal sii raac
gudbantiisi sii aqri
sidi uu gumeystihi
goobihi dagaalada
girligaanka uga dhigay.
gef haduu lahaan jiray
haduu geela dhici jiray
gumaadkana ku caan baxay
dadku uma garaabeen
geesi uguma yeereen
gurmad adag masiiyeen
gacantiisu hoo iyo
gallad beey kurooneyd
gammaantiisi faraskiyo
geeliisi soocnaa
waa kan guurtidiisiyo
gacalkiisi siiyee
gabaygiina ugu daray
daraawiishna guushaas
gallad eebe kasokow
waxa ay ku gaareen
gudoonkiisi fiicnaa
N.B.
soomaalida maalmahaan ninki laba eray qoraba waxa ay usababeynayeen in
reer ahaan uu yahay cidda uu markaas difaacayo waxaan halkaan
kasheegayaa in farqiga wada dhalasho ee aniga iyo reerka sayidka noo
dhaxeeya uu yahay qorrax kasoo bax iyo qorrax udhac. sababtoo ah aniga
waxaan udhashay magaalada ceelbuur ee gobolka galgaduud.....
W/Q : Cabdi Risaaq Xasan Nuur
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:26 and have
, Published at