Nin Mareykan ah Oo Marka Shaqada Laga Casilay Ka Dib Taajir Noqday? Sideey Ku Dhacday?

Nin Mareykan ah Oo Marka Shaqada Laga Casilay Ka Dib Taajir Noqday? Sideey Ku Dhacday?

Ninkaan mareykanka ahaa ayaa marka shaqada laga casilay ka dib niyada ka jabay. Kadib asago wax lacag buuran aan heysan ayuu wuxuu go'aansaday inow ka qeyb galo baqtiya nasiib (Lottery) oo ku gatay kisti lacagta u harsaneyd.

Lottery ga uu gatay Riley Gunn di Wolf Creek, Oregon ayaa wuxuu noqday calafkiisa sidey qabaan qolada lotteryga iska leh ee the Oregon Lottery, Gunn wuxuu ku guuleystay lottery-ga lacag dhan USD$ 1 malyuun oo dollar ka mareykanka ah.

Gun ayaa waxaa lasheegay inow qaatay hadiyadiisa lottery ga ah 4 january 2013 ee lasoo dhaafay. Hada wuxuu iibsaday guri weyn ay dagaan asaga iyo qooyskiisa sida lagu daabacay Fox news, Talaadadi (22/1/2013).

Gun ayaa markuu ogaaday inuu guuleystay ayaa wuxuu ku dhahay qolada Oregon Lottery waxaan ku guuleystay lottery ga lacag dhan USD$ 250 kun oo dollar, laakiin marka la fiiriyay ayaaba waxey noqotay in kabadan intaas oo ku afar jibaaranta.
Gun shaqada laga soo eryay waxey usoo hoysay inuu noqdo taajir si dhaqsi ah.

Marka akhristow waxaan ka qaadan karna qisadaan xikmada ah "Hadii meel aad ku fashilanto niyada ha iska dilin illah ayaa wax ka fiican kuu soo wado".

W/Q: Adan YO

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada