Guddi kala taliya dowlada UK arrimaha maandooriyaha oo diiday in la mamnuuco Qaadka(Sebebtu Maxey tahay)?

Guddi kala taliya dowlada UK arrimaha maandooriyaha oo diiday in la mamnuuco Qaadka(Sebebtu Maxey tahay)?

Guddi u qaabilsan la talinta arrimaha maandooriyaasha ee dalka Ingiriiska ayaa diiday codsiyo loo soo jeediyay oo ah in laga joojiyo dalka Ingiriiska isticmaalka qaadka.

Guddigan (ACMD) Advisory Council on the Misuse of Drugs ayaa sheegay inaysan hayn cadeymo ku filan oo ah in qaadku uu keeno dhibaato caafimaad.

Qaadka ayaa waxaa cuna Soomaalida,Yemeni iyo Ethiopianka ku nool dalal badan oo caalamka ah. Qaadka ayaa laga mamnuucay wadamada Maraykanka iyo Canada iyo qaar kale oo ku yaal qaarada Yurub sida wadanka Holland.

Waxyaabaha sida aadka loo dhoofiyo dalka Kenya ayaa waxaa ka mid ah Qaadka, waxana dalka Kenya uu u dhoofiyaa Uk 36 ton oo Khat ah toddobaad walba iyadoo ay ka soo gasho lacag dhan 2.15 billion oo shillinka Kenya ah sanad walba, 

Go’aanka ay gaareen guddiga ACMD ee ah inaan laga mamnuucin dalka UK ayaa waxa uu war wanaagsan u yahay ganacsatada qaadka ee Kenya iyo dadka cuna ee u badan Soomaalida ku nool dalka UK.

Koox Soomaali ah oo u ololeysa in laga joojiyo cunista qaadka dalka Ingiriiska ayaa waday dadaalo badan oo ay ku doonayeen in loogaga mamnuuca dalka Ingiriiska qaadka, hase yeeshee waxa uu go’aanka ku noqonayaa dhabar jab maadaama waqti badan iyo dadaal badan ay ku bixiyeen sidii looga joojin lahaa qaadka dalka Ingiriiska.

Dadkan u ololeeya joojinta qaadka ayaa waxa ay ku tilmaameen qaadka inuu leeyahay dhibaatooyin caafimaad uuna sababo burburka qoysas badan.

ACMD waxa sidoo kale uu sheegay in aysan jirin cadeymo ku filan oo ah in qaadku uu mas’uul ka yahay dambiyada gaar ahaan dambiyada abaabulan.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada