Xulka kubbada kolayga Soomaliya oo u gudbay Semifinalka tartanka Zone 5

Xulka kubbada kolayga Soomaliya oo u gudbay Semifinalka tartanka Zone 5


Xulka kubbada kolayga dalka Soomaaliya ayaa uga badiyay 98-80 dhibcood xulka kubbada kolayga wadanka Burundi ciyaar ka tirsanayd koobka FIBA Afrika Zone 5

Labada xul ayaa waxa ay ku wada jireen Group B waxayna xulka Burundi guuldaradii maanta ku dhacday u ahayd tii labaad ee soo gaarta waxayna si toos ah ugaga hareen rajadii tartankan ay ka lahaayeen.

Ciyaartii maanta ayaa waxaa daawashadeeda ka qeybgalay boqolaal ruux oo Soomaali ah oo taageerayaya xulka dalkooda. 
Xulka Soomaaliya oo labadii kulan ee ay ciyaareen badiyay ayaa waxa uu u soo gudbay kulamada Semifinalka isagoo la ciyaari doonaa Jimcaha xulka Rwanda.

Xulka ku guuleysta koobkaan Fiba Africa Zone 5 waxa uu u soo bixi doonaa koobka qaramada Afrika ee kubada kolayga oo sannadkan lagu qaban doono Ivory Coast.

Semi-finalka kale waxaa ciyaari doona xulka kaalinta labaad uga soo baxay Group B ee Kenya iyo xulka kaalinta koowaad uga soo baxay Group A ee dalka Masar. 

Ciyaartoyda tartankan u matalaysa dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka kala yimaadeen gudaha dalka Soomaaliya iyo dalka dibadiisaba. 

Waxayna ciyaartoydan muujiyeen karti iyo awood dheeri ah iyagoo labadii kulan ee ay ciyaareen badiyay kuna badiyay dhibco wanaagsan.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada