Markii ugu horeesay Taariiqda oo Dalka Australia neef Ari ah loo taxaabay xabsiga kadib markii uu cunay ..

Markii ugu horeesay Taariiqda oo Dalka Australia neef Ari ah loo taxaabay xabsiga kadib markii uu cunay ..


Neefkaan ariga ee cunay ubaxyada ayaa ku hoyday xabsiga hal habeen sababa ah in uu cunay neefkaan mid kamid ah ubaxyadii ku yiilay Museum Sydney of Contemporary Art ee wadanka Australia, Xukunka lagu riday ayaa noqday mid kamid ah xukunada la yaabka leh ee la kulmaan xoolaha nool.

Neefka Ariga oo lagu magacaabo Gary ayaa lagu soo eedeeyay in ay cunay ubaxyada ka baxa dhex bartanka maagaalada Sydney taas oo sabab u noqotay in neefkaan ariga ah loo taxaabo xabsiga.

Ninka leh neefkaan ariga oo lagu magacaabo James Dezarnaulds oo lagu naaneeso Jimbo Bazoobi ayaa sidoo kale la dul dhigay ganaax lacageed oo gaaraya 440 dollar taariikhda markii ay 22 kii Augusts, ninkaan ayaa lagu eedeeyay in uu neefkiisa ariga ah usoo ka xeeyay meel ay ka baxaan ubaxyada oo ku teedsanaa banaanka hore Museum Sydney of Contemporary Art.

Dacwadaan ayaa ugu danbeen waxaa loo gudbiyay maxkamada Sydney, mid kamid ah qaadiga maxkamada oo lagu magacaabo Carolyn Barkell ayaa sheegay in neefka ariga ah lagu heesto eedeen ah in uu cunay ubaxyada darajiimada la fadhiisto. 


Qaadiga oo hadlayay ayaa yiri “ waxaa isoo gaartay warbixin ah in neefkan ariga ah oo haleeyay ama wax yeeleeyay ubaxyada mid kamid goobaha lagu nasto hasa ahaatee ilaa hada ma heeno cadeen ah in ninka leh neefka ariga in uu neefkiisa u kaxeeyay meesha ay ka baxaan ubaxyada” hadalkaan ayaa lagu soo daabacay maanta oo arbca ah website ka http://www.smh.com.au.

Qareenka u doodaya neefka ariga oo lagu magacaabo Paul McGirr ayaa sheegay in police ka ay soo saareen eedeemo aan waxba ka jirin wuxuu sheegay in eedeemahaan oo kale loogu tala galay bini aadamka ma aheen in lagu eedeeyo neef ari ah.

Xigasho :allbanaadir.com

W/Q : Daalac Daahir Shoot iyo Abdirashid Omar Amiin
Bandung- Indonesia

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada