Hogaamiyihii ugu Sareeyay Burcad Badeeda iyo Koox lasocotay oo Caawa Shaaca ka qaaday in ay soo Hanuuneen.

Hogaamiyihii ugu Sareeyay Burcad Badeeda iyo Koox lasocotay oo Caawa Shaaca ka qaaday in ay soo Hanuuneen.


Hogaamiyaha la rumeesanyahay in uu ugu sareeyay Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee kusugnaa Gobolada Dhaxe ee Soomaaliya ayaa caawa Shaaca ka qaaday in ay kabaxeen Howlhii Burcadnimo ay mudo ku guda Jireen kana soo Hanuuneen.

Hogaamiye Maxamed Cabdi Afweyne oo Caawa Shir Jaraa’id Qadka Telfoonka ugu Qabtay Warbaahinta isaga oo kusugan Magaalada Cadaado ee Xarunta Ximin iyo Xeeb ayaa shaaca ka qaadayin isaga iyo Dhalinayro badan oo mudo kamid ahaa Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida in ay katanaasuleen Howlihii Burcada Badaha hadana ay ka toobadkeen.

Mr Afweyne ayaa sheegay in Waan Waan iyo Qorsho Sanad kabadan socday in lasoo afjaray laguna guuleestay Rag bdan oo katirsanaa Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida in ay ka baxaan Falkaasi ayna kasoo hanuuneen Falalkaasi foosha Xumaa.
Hogaamiyaha Burcad Badeeda ayaa sidoo kale Xusay in Maanta sii daayeen 3-Nin oo u dhashay Dalka Siiriya oo mudo afduub loo heestay kuwaa oo sii deentooda aan lagu xirin wax Shuruud ah si caadi ahna loo sii daayay Xuriyadoodiina lasiiyay.

Waxa uuna ugu Baaqay Hogaamiyaha Burcad Badeeda Soomaalida in hada waxii ka dambeeya Biyaha ku hareersan Gobolada Dhaxe ay isticmaali karaan Ganacsatada Maraakiibta wadata ayna halkaasi kula kumi doonin Wax burcad Badeed ah oo weerara ama qafaasha Maraakiibta.

Hadalkan kasoo baxay Hogaamiyaha Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa kusoo aadeysa xili ay yaraadeen Howlgaladii ay Burcada ku qafaalan jireen Maraakiibta shisheeye kadib markii Xeebaha Soomaaliya lasoo dhoobay maraakiib la dagaalamaysa Burcad Badeeda.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada