Hooyooyin Soomaaliyeed oo wiilashooda lagu dilay Dalka Canada oo Soo Bandhigay Qorshe Cusub (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Hooyooyin Soomaaliyeed oo wiilashooda lagu dilay Dalka Canada oo Soo Bandhigay Qorshe Cusub (Daawo Muuqaal+Warbixin)

somali canada
Hooyooyin Soomaaliyeed oo wiilashooda lagu dilay dalka Canada ayaa waxaa la sheegay inay u soo jeediyeen dowlada dalka Canada talooyin lagu xilinaayo sidii loo baajin lahaa inay dhacaan dilal kale oo la mid ah kuwii lagu gumaaday caruurtooda. 

Hooyooyinkaan oo dhawaantaan soo bandhigay qorshe ay sheegeen inuu baajin karo in dib dambe ay u ooyso hooyo Soomaaliyeed oo la dilay wiilkeeda ayaa waxaa la sheegay inay isaga kala yimaadeen dhawaantaan magaalooyinka dalkaas Canada iyadoona hooyooyinkaas ay ahaayeen kuwo wiilashooda lagu dilay dalka Canada, Xabiba Adan oo ka mid ahayd hooyooyinkii Soomaaliyeed oo soo qbanaqaabiyey kulankaas islmarkaana bishii September ee sanadkii hore lagu dilay wiilkeeda Warsame Cali oo 26 sano jir ahaa magaalada Toronto ayaa waxay sheegtay inay dhibaatadaan tahay mid u taalo dhamaan dadka iyo dowlada Canada oo aysan ahayn mid u gaar ah qaxootiga Soomaaliyeed oo kalia, Hooyooyinkaan ayaa waxay talo ahaan u soo jeediyeen in caruurta loo yeelo xirfad waxbarasho, in la baaro dilalkii loo geystay wiilashii Soomaaliyeed ee aan wali wax xal ah loo helin, in laga hortago dhalinyarada Soomaaliyeed ee isaga waxbarashada ayagoon dhameysan waxbarashadooda iyo in la damaanada qaado amaanka dadka marqaatiyaasha ah ee wax badan ka og dilalkaas si aysan u cabsan oo ay u sheegaan waxay ka og yihiin dilalakaas xad dhaafka ah ee lagu gumaado dfhalainyarada Soomaaliyeed ee ku ool dalka Canada. 

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalida lagu dilay dalkaas Cnada ilaa iyo sanadkii 2005 ay tiradoodu kor u dhaafeyso ilaa iyo 50 qofoofd ayaan waxaan la ogeyn in talooyinka ay hooyooyinkaas u soo jeediyeen dowlada dalka Canada ay wax ka tari doonaan inuu baaqdo dhiig dambe oo dhalinyaro Soomaaliyeed inuu ku daado dalkaas Canada ayaa kulankaas oo uu goob joog ka ahaa xubin baarlamaanka gobol ka Ontario ninka lagu magacaabo Mike Colle iyadoona ay gobolkaasi ay ku nool yihiin Soomaali fara badan oo uu saameyn ku yeeshay dilka loo geysto dhalinyaradaas Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ninkaas sheegay in 47% raga ku nool gobolada Ontario iyo Alberta ee dalkaas Canada la dilay 10kii sano ee ugu dambeeyey arintaasna loo qabtey dad yar qaar badan oo dilkaas geysteyna ay wali suuqa marayaan ayagoo xornimadooda heysta. 




_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada