Shir Madaxeed Midowga Afrika (African Union) Oo Ka Furmaayo Addis Ababa.

Shir Madaxeed Midowga Afrika (African Union) Oo Ka Furmaayo Addis Ababa.

Waxaa maanta lagu wadaa in shirmadaxeedka Midowga Africa ee looga hadlayo xaaladaha Nabadgalyo ee wadamada Midowga Africa ku jira uu ka furmo magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya.

Hogaamiyaal badan oo ka socda wadamada Africa ayaa kusii qulqulaya dalka itoobiya,iyagoo qeyb ka ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka Midowga Africa.
Shirka oo ah mid sanadle ah ayaa inta badan waxaa looga hadlayaa xaaladaha ay iminka ku sugan yihiin wadamada qaarada Africa,waxaana sidoo kale wadamada looga hadlayo ka mid ah dalalka xasaradaha ka taagan yihiin sida Soomaaliya oo dhanka ammaanka laga xoojin doono.
Waxaana dhanka kale wadamada hadaladooda lagu soo qaadii doono kamid ah wadanka Mali oo iminka dagaalo culus ay ka socdaan,kuwaasi oo la doonayo in xal laga gaaro.
Soomaaliya ayaa shirkaani waxaa kaga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo in uu qudbad ka jeediyo kulanka oo ku saabsan sidii Soomaaliya loo taageeri lahaa.
Dhanka kale waxyaabaha kulanka looga hadli doona waxaa ka mid ah xasaradaha u dhaxeeya labada Sudaan oo ku aadan dhanka xuduudaha oo wali muran aad u xoogan ka taagan yahay.taasina la filayo in xal buuxa laga gaaro.
Dhanka kale ergyaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mahiga oo wareysi siinayay wakaalada wararka ee Xinghua ayaa shaaca ka qaaday in kulanka ka dhaca dalka itoobiya intiisa badan looga hadli doona xaalada Nabadgalyo ee dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Sidoo kale Danjire Mahiga ayaa amaanay kulanka ay yeelanayaan Madaxda Midowga Africa,isagoona ku booriyay in si diiran loo fiiriyo xaaladaha dalka Soomaaliya go’aana laga gaaro sidii wax looga qaban lahaa.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada