Hadii Aadan Mujaahid Aheyn Ima Guursanaysid Arin Dadka Inta Badan Ka Yaabisay

Hadii Aadan Mujaahid Aheyn Ima Guursanaysid Arin Dadka Inta Badan Ka Yaabisay

Arin Layaab leh oo ka dhacay Goblada Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in Dumarka kasoo jeeda Gobaladaasi ay bilaaben inaysan guursan dhalinyaro aan kamid ahayn Kooxda Al-Shabab.

Wararka ayaa intaa kusii daraaya inta badan Dumarka Kunool Gobaladaasi ay isku raaceen in ay iska ilaaliyan dhalinyarada caadiga ah islamarkaana ninka guursanaayo ay ku xujeeyan inuu kamidyahay Alshabaab.

Muumin Mukhtar muriidi oo kamid ah dhalinta Baydhaba kunool Oo u waramayay Shabakada iftineducation.com ayaa sheegay in dumarka ay bilaaben inay raga ku xujeeyan inuu kamid yahay Ururka Alshabaab "" Waxaan ku dhibanahay Dumarka Nala Joogo Gobolada Baay Iyo Bakool intooda badan ayaa nagu xujeeyay xiliga aan guurka ka rabno inaan ka mid nahay alshabaab hadii aanan ka mid ahayn al shabaab nama danaynayaan oo arooskeena dhan ayay inoo gaabinayan tani waa dhibaato nasooo food saartay waxaana yaraanaya guurka mustaqbalka xalaasha ah "" Muumin Mukhtar Ayaa Sidaasi kusoo koobay hadalkiisa .

Dhanka kale Dumarka Gobaladaasi ee xaaska u ah Dagaalyahaanada Shabaab ayaa kusoo qul-qulaya Magaalada Muqdisho kadib markii Muqdisho ay dib ugu soo laabanaayan dadkii kunoolan jiray.

Arintaan ayaa waxa ay dhabar jab xoogan ku tahy dhalinta gur doonka ah ee ku nool gobaladaasi oo iyagu imika baahi weynuqaba in ay guri yaglesha.



_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada