Maku wareersantahay Xulashada Xaaskaaga Tilmaamahaan ku dooro.

Maku wareersantahay Xulashada Xaaskaaga Tilmaamahaan ku dooro.

Magaca eebe ayaan ku bilaabay “BISMILAH” Marka xigta waxaa hubaal ah in Rag badani ay ku wareersanyihiin Xulashada Xabiibtooda nolosha la wadaagi lahyd iyagoona ku hungooba waqtigana ku lumiya meel aan waxba ka jirin.
Hadaba Diinteena Nasteexada ahi waxay na fareysaa wax walboo wanaagsan iyadoona xal u heysa wax walbo oo Koonkaan saaran , hadaba Afarta Dumarka lagu doorto ayaan soo bandhigeynaa inkastoo hooyga Arimaha Bulshada looga bartay U Adeegista Bulshada Soomaaliyeed ee u haraad qabta haqabtirka Baahidooda ku aadan Arimaha Bulshada.
1-Diinta : Gabadha waxaa lagu doortaa ahna Qodobka koowaad eed ka fiirineyso Diinteeda ruuxu hadii uusan diin laheyn sidaad isku fahantaan marnaba sahal maahan Dhaqan ahaan iyo Diin ahaanba ma wanaagsan inaad Guursato qof aan Diin heysan.
QURUX : Qalbi kasta waxa uu jecelyahay inuu helo Gabadh qurux badan oo waqtiyada lawada joogo indhuhu ku nuursadaan qalbigu ku nagaado , Quruxdu waxa ay kamid tahay waxyaabaha ugu badan ee lagu doorto gabadha si Beri aadan uga dal doorsan ugana niyad jabin wada noolaanshihiina.
Maal: Maalku inkastoo aysan raggu badankoodu ku xulan gabadha hadana Wan digsigiisa wata cidi ma diido oo gabadha inaad Maal ku doorato ceeb ma’aha waxaana dhacaysa in hadii Gabadhu tahay Hantiile dhaqaalo ku filan ay shakhsiyan u heysato sahal kuu tahay inaad wada noolaatan oo aadan ka fakarin aas aaska danbe iyo Nolosha.
NASAB : Nasabku asal ahaan ereygaas waa Qabiilkeeda hasa ahaatee sidaas looma adeegsanayo gabadha Dadkeeda iska fiiri oo Gabadh ma guursanayside Dadkeedaad guursanaysaa, Guurso gabadh Dadkeeda sumcad ku dhex leeyihiin Bulshada aad markaasi la nooshahay si aad adiguna sumcadaadu saro ugu kacdo.
Waxaan filayaa inaad beri ka eegi doonto qodobadaas gabadha aad is barataan ama aad wada haasaaweysaan , Intooda inaad isku hesho daruuri ma’ahan balse nasiibkaagu waa suura gal inuu iskugu kaa aadiyo ama qaarkood aad hesho.
Hoos Fikirkaaga Noogu xus , Comment ka biix Mowduucaan iyo Xulashada Xaaskaaga.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada