Shukaansiga iyo qeybihiisa‏

Shukaansiga iyo qeybihiisa‏

Ereyga Shukaansi waxaa lagu micneyn karaa labo Jinsi dhedig iyo lab oo
sheeko wadaag ah oo ku saleysan in ay isaga sokeeyaan dadka kale si
loo helo wadiiqo ka duwan wada hadalka caadiga ah ee maalin weliba
dadyowga ay wadaagaan.

Baaritaano la sameyay ayaa xaqiijineysa in adeegsiga shukaansiga uu ka
kooban yahay sidatan
Shukaansi keli ah
Shukaansi wadar ah
Shukaansi wixii socdaba
Shukaansiga keliga ah waa kan lagu kala go’aan qaato in aysan labada
dhinac aysan dhicin carab laaladin iyo u sahansi tag ruux kale.

Shukaansi wadareedka waxa weeyaan in la kulmiyo ilaa dhowr ruux si
howsha loogu saleeyo, ha wada cararan farduhu guushase faras cadde
ayaa is kaleh, Amase si kale aan u dhigo halka uu calafka u hiiliyo
ayaa libinta haleelay.

Shukaansiga wixii socdaba micnihiisu waa mid iska cad wixii socdaba oo
afkiisa kala fura ayaa fursad u heysta inuu waqti kooban ay is
shukaansadaan hadafkiisuna saa uma sii buurna tusaalo waxaa u ah
qasaraha ka dhasho waxa uu gaaraa qofka caadeysta arrinkaas in
mustaqbalka danbe uu kala saari waayo runta iyo beenta

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada