Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay mas’uuliyiin uu ku jiro
agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada Muuse Faarax Xayd oo lagu
eedeeyay inay musuq-maasuqeen deeq waxbarasho oo dowladda Soomaaliya ay
ka heshay dalka Turkey.
Maryan Qaasim, wasiirka adeegga bulshada oo ay hoos timaado wasaaradda
waxbarashada ayaa VOA u xaqiijisay xadhiga agaasimihii hore, iyadoo
sheegtay in dadka xiran uu ku jiro wiil uu dhalay agaasimihii
wasaaradda waxbarashada.
Maryan ayaa sheegtay in xadhigan uu dhacay kadib markii ay dacwoodeen
dad sheegay in lacag laga qaatay iyadoo loo sheegay in caruurtooda loo
dhoofinayo Turkey.
Musuq-maasuq baahsan ayaa la sheegay inuu ka jiro hay'addaha dowladda
Soomaaliya, balse dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay la
dagaalami doono musuq-maasuqa sidoo kalena gacan bir ah ku qaban doonto
cid kasta oo lagu helo musuq-maasuq.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:58 and have
, Published at