UN ka Oo Soo Saaray Dokumenti Cadeynaya Xiriir Ka Dhexeeya Nin British ah iyo Burcad Badeeda Soomaaliya

UN ka Oo Soo Saaray Dokumenti Cadeynaya Xiriir Ka Dhexeeya Nin British ah iyo Burcad Badeeda Soomaaliya

Paul iyo Rachel Chandler oo laga daawadey warbaahinta UK markii Soomaaliya lagu haystey 2009 – 2010

Wargeysa The Times of London ayaa sheegaya in ay jirto qayb qarsoon oo ka mid ah warbixin ay soo saartey Qaramada Midoobey, taas oo sheegaysa in uu jiro xiriir u dhexeeya nin haysta dhalashada dalka Britain iyo Brcadbadeeda Soomaaliya.

Joornaalkaka ayaa sheegaya in sanadkii 2012 warbixin ay diyaariyeen Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Cunoqabatnyta Hubka iyo Musuq-maasuqa Soomaaliya iyo Ereteeriya (UN’s Monitoring Group on Somalia and Eritrea ), in ay ku soo saareen lifaaq magacaabaya nin haysta dhalashada dalka Britain, isla markaana ah ganacsade asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya in uu doorweyn ka ciyaarey afduub ka dhacay Soomaaliya sanadkii 2009.


Lifaaqa uu soo xiganayo Wargesya The Times ayaa sheegaya in ninkan ganacsadaha ah uu masuul ka ahaa, “Shirkad afduub iyo qafaalasho” ku shaqeyneysey, waxaana uu si toos ah gacanta ugula jirey afduubkii loo geystey Paul & Rachel Chandler oo ahaa lamaane u dhashey dalka Britain oo sanadkii 2009 lagu afduubtey meel ku dhaw biyaha Soomaaliya iyaga oo muddo sanad ka badan lagu haystey Gobolada Dhexe ee Soomaaliya, waxaana Joornaalku sheegay in 13 bilood kadib la bixiyey madaxfurasho.

Joornaalku ma caddeyn ganacsadaha maalgelin jirey Burcad-badeeda isla markaana ma qeexin halka u hadda ku sugan yahay

Sii deyntii laamanaha lagu eedeeyey in uu ku luglahaa qafaalashadooda nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya haystana dhalashada Ingriiska, waxaa gacan weyn ka geystey Muwaadin kale oo Soomaali ah kaas oo deganaa dalka Ingriiska.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada