Dagaalka Maraykanka iyo Kooxaha Alqaacida ku xiran oo isku badalay Adeegsiga Internetka iyo Warbaahinta Bulshadda.

Dagaalka Maraykanka iyo Kooxaha Alqaacida ku xiran oo isku badalay Adeegsiga Internetka iyo Warbaahinta Bulshadda.

usa vs al qaeda
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ee xilka ka sii degayso, Hillaty Clinton ayaa shaacisay inay Xukuumadda Maraykanka bilaabayso Dagaal dhinaca Warbaahinta, si loolan loola galo Ururka Alqaacida iyo Kooxaha Isbahaysiga la leh ee ku caan baxay falalka Argagixisadda.

Hillary Clinton, ayaa arrinkaasi ka hor sheegtay, mar ay maalintii Arbacaddii ee la soo dhaafay hortagtay Kongareeska Maraykanka, oo wax ka weydiinayey Weerarkii sanndkii hore ka dhacay Qunsulliydda Maraykanka ku lhaa magaalladda Benghazi ee dalka Libya, laguna dilay Safiirkii Maraykanka, Chris Stevens iyo saddex kale.

Hillary Clinton, waxay ku nuuxnuuxsatay inay Xukuumadda Maraykanka kordhinayso isticmaalka Internetka, iyo Warbaahinta Isku-xirka Bulshadda (Social Media).

‘Waaxda Arrimaha Dibedda, waxay bilowday labo shaqo oo looga hortegayo dhibaatdda ay Kooxaha Xagjirka ee adeegsada Internetka iyo Twitterka, si looga hortagi waxyaabaha lidka ku ah Maraykanka (Anti-Americanism)’ ayey tiri Hillary Clinton oo intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la qaado wadiiqo kasta oo looga hortagayo Dicaayadaha Kooxaha Jihaad-doonka ‘Jihadist Propaganda’

‘Haddii ay Internetka soo dhigaan Video ka dhan ah Maraykanka, waa inaad ogaataa inta ay la eg tahay dhibaatadda ay Kooxahaasi wadaan’ ayey sii raacisay.

Khubadda Clinton, ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Kooxaha ku xiran Ururka Alaacida kordhiyeen isticmaalka Internetka iyo Twitterka, iyagoo ku soo bandhigta Wararkooda la xiriira Hawlgalladda dagaal ee ay ka wadaan dalalka Somalia, Syria, Yeman, Mali, Afganistan, Pakistan iyo kuwo kale.

Kooxda Alshabab Somalia ee Ururka Alqaacida bah-wadaagta la ah, ayaa waxay inta badan adegsadaan Internetka iyo Barta Twitterka ay ku leeyihiin,

si ay ugu baahiyaan guulaha ay ka garan Hawlgalladda ay kula jiraan Ciiddamdda Dowladda Somalia iyo kuwa Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM.

Qorshaha Xukuumadda Maraykanka ee istaraatijiyadda ku aadan inay Internetka iyo Warbaahinta Isku-xirka bulshadda u adeegsadaan inay kula dagaalamaan Urujrka Alqaacida iyo kooxaha taageersan, ayaa waxay ku soo beegntay iyadoo Barta Twitterka ee Kooxda Alshabaab la xanibay, kadib, markii ay Kooxda ku soo bandhigtay Sawirro maydadka Askar u dhalatay Faransiiska iyo Cajallad Video ah oo ay ku goodiyeen inay dili doonaan afar Muwadin oo u dhalatay Kenya oo ay sannadkii hore qabsadeen.

Bishan January oo keliya, Kooxda waxay barteeda Twitterka ee @HSMP soo dhigeen Sawirro ay ku jireen maydkii Sarkaal ka tirsanaa Ciiddanka Faransiiska oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose.

Alshabaab Waxay kaloo soo dhigeen Hanjabaadyo ku aadanaa Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Faransiiska oo ay muddo dhowr sanno ah haysteen, kaasi oo ay sheegeen inay dileen

Maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay, waxay Kooxda bartooda Twitterka iyo Website-yo kale ku soo bandhigeen Cajallad Video ah oo ay ugu hanjabeen inay dili doonaan dhowr qof oo Kenyaati ah oo ay sannadkii hore qafaasheen.

Dowladda Kenya waxay ku gacan-sayrtay inay Kooxda Alshabaab wax wada xaajood kala galaan La-haystayaasha Kenyaatiga, iyadoo uu Ra’isul-wasaare Raila Odinga si cad u sheegay inaysan la hadlayn Koox ka tirsan Argagixisadda Caalamiga.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada