Maxaad ka taqaanaa Haweeneyda Qaarada Afrika ugu taajirsan iyo wadanka ay u dhalatay?

Maxaad ka taqaanaa Haweeneyda Qaarada Afrika ugu taajirsan iyo wadanka ay u dhalatay?

Iyadoo la soo bandhigay Liiska dadka ugu magaca iyo maalka badan Caalamka, ayaa waxaa la yaah noqotay inay jirto Haweeney Afrikaan ah oo haysata lacag Malaayiin Dollar ah.

Isabel Dos Santos oo uu dhalay Madaxweynaha dalka Angola, Jose Edwardo Dos Santos ayaa noqotay Haweeneydii ugu horreysay ee Afrikaan ah oo noqota Maalqabeenad haysata Malaayiin Dollar.

Hantida ay kayd ahaan u haysato Haweeneydaasi ayaa lagu soo waramay inuu gaarayo Hal Billion oo Dollar.

Isabel Dos Santos oo 40-jir ah, waa gabadha ugu weyn carruurta Madaxweynaha dalka Angola, waxayna Sannadihii la soo dhaafay iibsanaysay saamiyo badan (more shares) oo Shirkaddo laga leeyahay dalka Portugal oo horey dalka Angola u gumeysan jirey.

Waxay saamileyda ka tahay Xarun Banki iyo Shirkad Telefisihin oo ku wada yaalla caasimadda dalka Potuqal ee Lisbon.

Bishii May ee sannadkii hore, waxay kordhisay saaamiga ay ku lahayd Shirkadda Warbaahineed ee Multimedia oo ah Shirkadda Telefishinka ee ugu ballaaran dalka Portugal.

Waxay kaloo Raasamal badan ku leedahay Bangiga Banco BPT, oo ah Bangiga ugu weyn ee Ganacsiga ee Portugal.


Sidoo kale waxay kaloo ka mid tahay Madaxda Bangiga BIC oo ku yaalla caasimadda dalka Angola ee Luanda.

Isabel Dos Santos, waxay kaloo Madax ka tahay Shirkadda Telefoonadda ee Unite loo ah mid ka mid ah labada shirkadood ee Adeegga Isgaarsiinta Mobaylladda ee Angola.

Haddaynu milicsano Taariikhdeeda Waxbarasho, waxay ka qalin jebisay Kulliyadda Engineernimadda ee King’s College oo ku taalla magalladda London, iyadoo la noolayda Hooyadeeda oo uu qabi jirey aabaheeda Jose Edwardo Dos Santos.

Sannadkii 1997-dii iyadoo 24-jir ah ayey Ganacsigeeddii ugu horreeyey ka bilwday Caasimadda dalkeeda ee Luanda, oo ay ka furatay Baar weyn oo laga cunteeyo, oo loogu magc daray Miami Beach Restaurant.

Haweeenydaasi Billionaire-ka ah waxay shaqo culus waqti dheer u soo martay si ay u noqoto Maalqabeennadda ugu horreysa Haweenka Afrika.

Waxaa Turjumay:-  Ustaad Nuradin Hagi Abokor com Ahmed ‘Diini-Yare’

Freelance Journalist

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada