Shacabka Reer Muqdisho Oo Hal Meel Laga Wada Tusay Lacag ay Ku Taajiri Karaan Hadii ay Keenaan Dalab Xoogan oo Loo Dirsaday

Shacabka Reer Muqdisho Oo Hal Meel Laga Wada Tusay Lacag ay Ku Taajiri Karaan Hadii ay Keenaan Dalab Xoogan oo Loo Dirsaday

Shacab weynaha ku nool caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo kuwa kale oo iyaga ku nool qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa ku gudo jiro raadinta sheey aan sahal lagu heleyn kadib markii hal meel laga wada tusay lacag ay ku taajiri karaan hadii ay keenaan dalab xoogan oo loo wada dirsaday.


Hey’ad ka socota dalka iran oo Muqdisho ku sugan ayaa shaacisay in ay dooneyso ukumaha Guumeyska kaasi oo halkii xabo lacagtiisa lagu sheegay 4 kun ilaa iyo 5 kun oo doolarka Maraykanka waxaana dadkii kuwada dhacay anfariir lacageed.
Xayawaanka Ukuntiisa La Baadi Goobayo.
Ukuntaan Guumeyska ayaa la sheegay in ay dooneyso dowlada iran isla markaana ay wax weyn ka tareyso sameynta Nukliyeerka waxaana baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in ukunta Guumeyska uu yahay kan ugu muhiimsan ee Nukliyeerka lagu sameyn kara.


Ukunta Baadi Goobka Xoogan Loogu Jiro
 Dadka reer Muqdisho ayaa loo sheegay sida ay ku ogaan karaan ukunta Guumeyska maadaama xayawaanada midkasta uu dhalo ukun, waxaa lagu ogaadaa hadii ukunta Guumeyska aad dul saarto sakiinta garka iyo madaxa lagu xiirto waa ay ku dhageysaa sida Birqabatad oo kale.
Shacabka ku nool gudaha Muqdisho ayaa midlkasta si gooni ah kuu weydiinaya in aad meel ku ogtahay ama ku aragta ukunta Guumeyska waxaana dadkii la wada ogaaday in ay ku waasheen raadinta ukunta Guumeyska iyo helida lacag ay ku taajiri karaan.
Haye shee ma jirto ilaa iyo hada cid keentay hal xabo oo kamid ah ukumaha Guumeyska maadaama xayawaankaan uu sanadkii mar dhalo isla markaan ku dhalo meel aysan dadka ogaan karina.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada