Taliye mintid ah ayaa lagu dilay Pakistan

Taliye mintid ah ayaa lagu dilay Pakistan

Mullah Nazir waxa uu dagaal kula jiray ciidanka
Mareykanka ee ku sugan Afganistan
Wararka ka imanaya waqooyiga galbeed ee dalka Paksitan ayaa sheegaya in taliye kooxaha mintidiinta Pakistan, Mullah Nazir, in lagu dilay weerar dayaaradaha aanay cidina wadin ee Mareykanka.

Saraakiil Pakistan ayaa BBC u sheegay in gantaallo lagu riday baabuurka Mullah Nazir koonfurta Waziristan oo u dhaw soohdinta Afghanistan halkaasi oo isaga lagu dilay iyo shan kale.

Mullah Nazir ayaa lagu dhaawacay dukheyn dhacday bishii November, oo si weyn loo aaminsan yahay inay ahayd markii ay ay is qabteen taliyayaasha koox kale oo ay is hayeen.

Weriye BBC ka tirsan ayaa sheegaya inuu ahaa xubin muhiim ah oo bixiya dagaalyahaniinta weerara ciidamada Mareykanku hoggaaminayo ee ku sigan Afganistan.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada