Venezuela: Chavez oo xilka la wareegaya.

Venezuela: Chavez oo xilka la wareegaya.

Madaxweyne ku xigeenka Venezuela Nicolas Maduro oo kor gacanta ugu haya nugul dastuurka dalka ah ayaa ka sheegay wareysi uu TV la yeeshay in madaxweyne Chavez lagu hor dhaarin karo maalin kale maxkamadda sare ee dalka.
Mr Maduro wuxuu sheegay in dhaarinta madaxweynuhu ay tahay uun hab la raaco, sidaa darteed maalin kale ayaa loo qaban karaa, waxaana madaxweynuhu ku hor dhaaran doonaa maxkamadda sare ee dalka.

Hase ahaatee gabar xildhibaan ah oo xubnaha mucaaradka ee Baarlamaanka ka tirsan, Maria Corino Machado ayaa sheegtay haddi uu 10-ka Janaayo Baarlamaanku aanu helin wax sugan oo ku saabsan caafimaadka madaxweynaha, ay noqoneysao in Baarlkmaanku go'aamiyo inuu si joogta ah u maqan yahay madaxweynuhu.

Haddaba talaabada caynkaas ah ayaa keeni karta in doorasho madaxweyne la qabto muddo 30 maalmood gudahood ah.

Sabtida waxaa furmaya fadhi-sanadeedka Baarlamaanka Venezuela oo markaan waxaa macne weyn u sii yeelaya fadhiga Baarlamaanka waa xaaladda caafimad ee madaxweynaha.

Warka ku saabsan in madaxweynaha sambabka uu xanuun ka haayo, kadib markii laga qalay cudurka cancerka, ayaa shaki sii galisey inuu madaxweynuhu awoodi karo inuu ka qayb galo xaflad lagu dhaarinayo maalinta 10-ka Janaayo. Maalintan ayaa ah maalinta uu dastuurku qorayo in xilliga cusub ee madaxweyne chavez uu bilaabanayo.

Dastuurku waxaa kale oo uu dhigayaa haddii madaxweynuhu xilka ka dego, in doorashooyin la qabto muddo bil ah. Hase ahaatee wasiirada Venezuela waxay ku adkeysan inuusan madaxweynuhu xilka ka degeyn. Waxayna sida madaxweyne ku xigeenka qiil ka dhigayaan in dib loo dhigi karo maalinta dhaarinta, mar haddii isaga loo doortay madaxweyne Guddoomiyaha Baarlamaanka Diosdado Cabello ayaa kaalin weyn qaatay toddobaadyadii hubaal la'aanta jirtay tan iyo intii Chavez uu dalka uga dhoofsay daaweyntan u dambeysay ee cancerka.

Haddaba fadhiga maanta ee Baarlamaanka waxaa la filayaa in dib loo doorto guddoomiyaha waayo mudanayaasha Baarlamaanka waxaa u badan taageerayaasha Chavez, waxaana dhici karta in guddoomiyaha Baarlamaanku si ku meel gaar ah ah uu dalka u xukumo haddii ay dhacdo in dalka doorasho madaxweyne lagaga dhawaaqo.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada