Golaha Guurtada Soomaaliyeed ee UK oo la kulmay Wasiiradda Arrimaha Debadda Marwo Fawsiya.(Daawo Sawirada)

Golaha Guurtada Soomaaliyeed ee UK oo la kulmay Wasiiradda Arrimaha Debadda Marwo Fawsiya.(Daawo Sawirada)

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Guurtada Soomaaliyeed ee UK Mudane Sharif axmedey oo y kamid ahayeen Gudoomiye Ku Xigeenka Xaaji Macow Maxamed, Maxamed Sharif , Cabdulcasiis Cusman, Maxamed Qamby iyo Xasan Basra ayaa waxay soo booqdeen Raisul Wasaara ku Xigeenka , ahna Wasiiradda Arrimaha Debadda Marwo Fawsiya oo haatan booqosho ku joogto London, Wadanka UK.

Wafdiga iyo Raisul Wasaara ku Xigeenka waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay quseyso Soomaalida ku nool Uk oo ay ka mid yihiin: Dhalinyarada ku xir xiran UK, dhibatooyinka haysta qoosaska Soomaaliyeed iyo sidii door weyn loogu qaadan laha dib u dhiska Soomaaliyeed.


Wafdiga waxay halkas ku gudoonsiyeen Raisul Wasaara ku Xigeenka hadiyad qaali ah oo ah Kitaabka Quraanka Kariimka ah. Kulankaasi waxaa goob jog ka ahaa Gudoomiyaha Jaaaliyadda UK Mudane Cabdi Cumar.


Ugu dambeyntii wafdiga waxay ka qaybgaleen xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay Jaaliyada Soomaaliyeed Uk ay u dhigeen Raisulwasaare ku Xigeenka. Waxay xafladdaas u dhacday si heer sare ah oo dadweynihii ka soo qaybgalay si weyn ugu diirsadeen.



_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada