Hey'adda Nabadsugida qaranka oo sheegtay in caawimaad ka hesho Mareykanka iyo Ingiriiska

Hey'adda Nabadsugida qaranka oo sheegtay in caawimaad ka hesho Mareykanka iyo Ingiriiska

Hey'adda nabadsugida qaranka oo maanta u dabaal degtay sanad-guuradii 41aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada nabadsugida ayaa waxaa munaasabadaas xariga looga jaray Xarunta Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Munaasabada oo ka dhacday halkii la oran jiray Gurigii habar Khadiijo, oo ah xarunta Nabadsugida ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil ciidan.

Madaxweynaha ayaa xariga ka jaray xarunta Nabadsugida qaranka oo in muddo ah uu dayactir iyo dhismo uu ka socday, iyadoo Madaxweynaha amaan u jeediyay Ciidamada nabadsugida qaranka oo uu ku tilmaamay inay yihiin Ciidamada ugu dishibiliinka wanaagsan ciidamada dowladda.

Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida qaranka Axmed Macalin Fiqi oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa ku dheeraaday howlihii ay qabatay Hey'adda nabadsugida, isagoo sheegay in dhismaha cusub ee ay ku howl galayaan ay gacan ka geysatay dowladda Ingiriiska.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in xiriir wanaagsan oo dhinaca muqaabaraadka uu kala dhaxeeyo dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska, isla markaana ay caawimaad dhan walba ka helaan, iyadoo labada dowladood ay yihiin dowladaha uu Sirdoonkooda aad u sareeyo.

Hey'adda nabadsugida qaranka ayaa horay u fashilisay weeraro iyo isku dayo, iyadoo ay leedahay Ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaasoo howl galada qorsheysan ka fuliya magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada