Wiil Mombasa Jooga Oo Isla Guursaday Gabar Iyo Hooyadeed, Qiso Naxdin leh, yaase gar Daran?

Wiil Mombasa Jooga Oo Isla Guursaday Gabar Iyo Hooyadeed, Qiso Naxdin leh, yaase gar Daran?


Wiilkani oo lagu magacaabo C/laahi Xasan ayaa markii ugu horeysay ka sheekeeyey qiso la yaab leh oo noloshiisa soo martay ka dib markii uu isla guursaday hooyo iyo gabadheeda balse uu sheegay in isaga wax danbi ah uusan ku lahayn arintaasi.

Dad badan oo aqristayaasha shabakada xogmaal.net ayaa durbadiiba is weydiinaya sababta uu ninkani  bilaa danbi u yahay basle uu isaga sheegay in uusan ka warqabin arintaasi dhacday oo uu kusoo baraarugay mar danbe.

C/laahi Xasan wuxuu ku nool yahay magaalada Mombasa ee cariga Kenya Sanadkii 2009 ayuu guursaday haweeney ka da’ weyn oo hooyadiisa oo kale ah balse uu u guursaday daruuf heysay darteed maadaama uu ku noolaa wadan qurbo ah oo noloshiisa adkeyd iyadoo islaantani ku nooleyd cariga Uk isla markaana usoo nin raadsatay qaarada africa, waxayna calafkeeda noqotay wiilkani quruxda badan.

Laba saanno ka dib markii ay aruurtay xoogaa lacag ah ayuu C/laahi damcay in uu guursado gabar isaga oo kale ah oo aanan ka weyneyn wuxuna sii laba jibaaray shukaansiga ama xariiftanka qadka internetka wuxuuna markii danbe Facebooka ka haleelay Ubax oo ahayd gabar qurux badan oo aad u isticmaasha Facebook-ga muddo kooban ka dib Ubax waxay soo aaday dalka Kenya iyadoo hooyadeed ugu sheegeysan in ay aadayso wadanka Holand ee isla qaarada yurub iyadoo qaadatay taleefoon laga leeyahay Holand si ay hooyadeed aysan u fahmin balse Ubax iyadane waxba kama ogo xiriirka ka dhaxeeya ninkani iyo hooyadeed.

Meherka ayaa dhacay waxana la wada nooolaa mudo hal bilood ah nolosha aya la wada qaatay Sawiro ayaa la wada galay waa la damaashaaday waxayna ubax go’aan satay in ay dib ugu
laabto wadankii ay ka timid.

Ilaa iyo hadda cid wax dareensan ma jirto Waxana bishii danbe soo duushay hooyadii oo iyadane dhankeeda ka xariiftamaysa waxayna isa soo dul taagtay siriirtii ay banaysay gabadheeda miskiin cid wax og ma leh, Dhowr habeeen ka dib ayaa hooyada so saartay Albunka ay ka buuxaan ilmaheeda waxaana sawiradasi u badan gabadha oo iyada ugu weyned cidda.

La yaaab amakaak naxdin, Fila Waal ayaa ku dhacday C/laahi, shib ayuu iska dhahay wuxuu wacay Ubax mudoo markii uu u sheekeeyey ayuu weydiiyey sida ay hooyo iyo caruurta kale yihiin waxayna u sheegtay in hooyo ay joogto wadanka kenya halkasina ay u aaday oday ay dhawaan ku guursatay, mar kale ayuu naxay shib ayuu iska dhahay dhowr habeen ayuu jiro isku riday wuxuuna go’aan saday in labadooda uu iska fasaxo maadaama halkani ay ceeb kasoo socoto.

Habeenkii danbe isagoo go’aanka ku dhuftay ayay hooyada ku qasabtay in ay barto caruurteeda ay ugu horeyso ubax wuu ka cudur daartay balse waa lagu qasbay wuxuuna bartay caruurta isagoo ka cabsi qaba in codkiisa la garto, Daqiiqado inta uu musqusha ku maqnaa ayuu u yeeray wiilal asxaabtiisa ah si uu ugu marqatiyeeyo furiinkiisa deg dega ah.

Waxaa meeshasi baska ka raacay hooyadii wiilkani nacnaca ah ku heysatay halkani, Haddaba ilaa hadda ma dhicin in uu wiilka gabadha furo macnahana ma ahan in uu iyada reebto basle wuxuu diidan yahay in hal mar oo isku mid ah oo dalaaqo oo ka naxsado qoyskani u ooman ninkani.



_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada