Wiil yar oo mucjiso ah oo ku dhashay Magaalada Boosaaso iyo Wiilkaasi oo ka maqan Qaar ka mid xubnihiisa(Daawo Muuqaal+warbiixin)

Wiil yar oo mucjiso ah oo ku dhashay Magaalada Boosaaso iyo Wiilkaasi oo ka maqan Qaar ka mid xubnihiisa(Daawo Muuqaal+warbiixin)


Wiil yar oo mucjiso ah ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Boosaaso iyadoona uu wiilkaasi yar ee mucjisada ah ay ka maqan yihiin qaar ka mid xubnihiisa muhiimka u ahjirka bini'aadanka 

Wiilkaan yar ee mucjisada ah ayaa waxaa la sheegay inuusan lahayn wax gacmo iyo luga ah toona asagoona intiisa kale ee jirkiisu ay yihiin caadi arintaas oo yaab ku noqotey dhaqaatiirta iyo waalidiinta wiilkaas dhalay.

Wiilkaan oo dhawaan oo ku dhashay magaalada oo Boosaaso ayaa Dr. Yaasiin Faarax Cartan oo ah dhaqtar ka howlgala isbitaalka uu ku dhashay wiilkaas ayaa sheegay inay tahay arintaan mucjiso rabaani ah islamarkaana aan horey loogu arkin noocaan oo kale ama wax la mid ah dalka Soomaaliyeed laakiinse ay horey uga dhici jireen wadamada aduunka, Sidoo kale ayuu Dr. Yaasiin Faarax Cartan waxaa uu sheegay inaysan garin karin waxa sbabay arintaas asagoona sheegay inay aabaha iyo hooyada dhalay ilmahaan ay yihiin dad caadi ah asagoona sidoo kale sheegay inaysan hooyadu qaadan wax daawo ah is qilaafsan oo u keeni kara dhibaato ilmaha ku jira caloosha hooyada. 

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mucjiso rabaani ah ayaa sidoo kale waxaa arinta wiilkaan yar wel wel ka muujiyey abaaha dhalay cunugaas mucjisada ah oo lagu magacaabo Barkhad Salaad Faarax asagoona umada Soomaaliyeed iyo dadka muslimiinta ah dhamaantood ka codsaday cidii cawino karta inay ku soo caawiyaan wixii ay u awoodaan, Sidoo kale ayaa qaar ka mid ah wadaadada Soomaaliyeed oo ka hadlay arinka wiilkaas mucjisada ah ayey waxay ku tilmaameen arinka wiilkaan mucjiso u baahan in lagu cibra qaato islamarkaana lagu sabro ilaah dartiis. 




_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada