Al-shabaab oo Digniin Culus u Diray Shacabka Kenya Xili ay ku jiraan doorashada Madaxtinimo( War-saxaafadeed)

Al-shabaab oo Digniin Culus u Diray Shacabka Kenya Xili ay ku jiraan doorashada Madaxtinimo( War-saxaafadeed)


Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: mudadii 5-tii sanadood ee Al-shabaab  ay ka arriminayeen dhulka ku teedsan xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya shacabka Kenya waxay ku naaloonayeen  nabad-galyo buuxda, balse arrinkaas uu meesha ka saaray go’aankii dawladdoodu ay ku gaartay iney qeyb ka noqoto duulaanka lagu soo qaaday gudaha wadanka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri “Dalkiinu wuxuu ku naaloonayay nabad iyo xasilooni, ma jirin maxaabiis Kenyaati ah oo Soomaaliya lagu heysto, wax walwal ah meydan ka qabin in dhibaatada Soomaaliya ay dalkiina ku soo baahdo. 

Balse maanta iyadoo laga shallaynayo go’aankii dawladdiina; xaaladda dalkiinu way ka sii dareysaa, dhaqaalihiinu wuu sii liidanayaa, amaankiina faraha ayuu ka baxay” warsaxaafadeedka kasoo baxay ururka Al-shabaab oo lasii hadlaya dadka reer Kenya ayaa lagu yiri  inkasta oo ay  sidaas  ay tahay xilligan shacabka reer Kenya waxaa hortaala fursad muhim ah oo ay go’aan kaga gaari karaan mustaqbalkooda, marka loo eego doorashooyinka madaxtinimo ee billowga bisha March ka dhici doonta dalka Kenya, Al-Shabaab ayaa sheegtay tan iyo markii ciidamada Kenya ay cagta soo dhigeen dhulka Muslimiinta Soomaaliya in dadka reer Kenya ay waayeen amnigii guud iyo midkii gaar ahaaneed-ba, iyadoona colaaddii ay Kenya ka riday Soomaaliya ay u gudubtay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

“Si kasta oo ay ahaataba, isbadalka jawwiga siyaasadeed ee dalka ayaa ka dhigan fursad dhanka mustaqbalka oo muhim ah, waa mustaqbal aan dhiig danbe daadan doonin; hadda ayaad heystaan fursad aad ku fakartaan, dibna u eegtaan go’aanadii ay idin saartay dawladda sii dhaceysa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Al-shabaab,Warsaxaafadeedka oo sii socda ayaa lagu yiri  in Al-shabaab  marna aaney ku khasaareyn dagaalka xaqqa ah oo ay isaga difaacayaan cadowga soo xadgudbay, halka dadka reer Kenya in marnaba wax faa’iido ah aaney ka heli doonin duulaanka dawladdoodu ay ku soo qaaday Soomaaliya.

“Haddii aad doorataan dhabbaha Nabadda, adinka ayaa faa’iidada ugu badan helaya, haddiise aad ku sii socotaan dhabaha dagaalka waxaad ogaataan ineynu nahay rag dagaalka aan ka laba labeyn, oo diintooda aan ka leexan, wax walibana u huraya difaaca diintooda iyo dhulkooda,  “ Hana ku dagmina mudada kooban ee ciidamadiinu ay heysanayaan Kismaayo; dagaalku wuu dheeraan doonaa, wuuna khasaare badnaan doonaa” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka Shabaabka kasoo baxay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada