Raphael Varane: Real Madrid Waxa Ay Garaaci Kartaa Koox Kasta.

Raphael Varane: Real Madrid Waxa Ay Garaaci Kartaa Koox Kasta.


Daafaca Real Madrid Raphael Varane ayaa aaminsan in kooxdiisa ay garaaci karto koox kasta marka ay u ciyaaraan sida kulankii ay xalay 3-1 kaga badiyeen Barcelona ee Copa del Rey.

Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa xaqiijisatay booskooda finalka koobka iyagoo ka talaabsaday Blaugrana, waxaana da’ yarka Faransiiska ah uu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka kooxdiisa.

“Waan faraxsanahay, marka aan sidaas u ciyaarno koox ahaan, waan ognahay inaan badin karno mar walba” ayuu ciyaaryahanka u sheegay website-ka kooxdiisa.

“Haatan waa inaan hore u soconaa oo aan ka fekernaa finalka iyo kulamada kale ee soo socda. Barcelona waa koox ay adag tahay in kubada laga difaacdo sababtoo ah waxa ay heystaan ciyaartoy aad u dheereeya, sidaasi darteed si isku xiran ayaan u ciyaarnay boosna uma aanan furin.”
19 jirkaan ayaa sidoo kale amaan badan ku helay qaab ciyaareedkiisa labada lug ee semi-finalka ee uu Barcelona ka horyimid, waxaana uu dareesan yahay in kulamada cadaadiska sarre inay faa’ido u tahay mustaqbalkiisa ciyaareed.

“Waxaan isku dayaa inaan horumar sameeyo oo aan wax barto, taas ayaana u fiican mustaqbalkeyga ciyaareed. Waxaan diyaar u ahay inaan ciyaaro oo aan caawiyo kooxda, waana waxa aan halkaan u joogo.”
Madrid ayaa mar kale la kulmeysa Barca sabtida kulan horyaalka ka tirsan oo ka dhacaya Santiago Bernabeu.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada