Xavi Hernandez: Copa del Rey Waa Koobkii Inoogu Muhiimada Yaraa.

Xavi Hernandez: Copa del Rey Waa Koobkii Inoogu Muhiimada Yaraa.


Xavi ayaa sheegaya in koobka Copa del Rey uu ahaa koobka ugu muhiimad yar ee diirada u saarnaa Barcelona ka dib markii semi-finalka ay ku reebtay xalay Real Madrid.
Kooxda Catalans ayaa lagu garaacay 3-1 kulankii lugta labaad ee ka dhacay garoonkooda, iyadoo lugtii hore ay labada kooxood ku kala baxeen barbaro 1-1 ah, taasoo la micno ah in Barcelona ay ka baxday kooxda Copa del Rey.
Si kastaba, inkastoo uu qirtay in guuldarada ay aheyd mid mar kale laga xumaado, Xavi ayaa indhaha ku haya koobab kale.
“Tani waa dib u dhac kale ka dib guuldaradii AC Milan, laakiin waa inaan hore uga soconaa. Haa, waxaan ka harnay koob, laakiin waa koobkii inoogu muhiimad yaraa.” ayuu Xavi u sheegay suxufiyiinta.
“Waxaan weli ku jirnaa tartanka labo koob oo muhim ah. Waa inaan wadada guusha ku soo laabanaa kulanka Madrid ee isbuuc dhamaadka, islamarkaana aan madaxeena kor u qaadnaa.”
Barca ayaa ku qaabili doonta Madrid kulan horyaalka ah garoonka Satiago Bernabeu sabtida.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada