Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo dil ku Xukuntay dad lagu helay dilkii Dr Axmed Xaaji C/raxman(Sawiro+Dhegeyso)

Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo dil ku Xukuntay dad lagu helay dilkii Dr Axmed Xaaji C/raxman(Sawiro+Dhegeyso)


Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa maanta xukuno ku riday dad ay sheegtay in lagu helay iney ka danbeeyeen dilka alla ha u naxariistee Dr.Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxman oo sanadkii  2011 lagu Dilay magaalada Boosaaso ee maamulka puntland.
Maxkamada ayaa waxaa la horkeenay cadeymo fiidiyow ah kuwaas oo muujinayey in eedeysanayaashani ay ka danbeeyeen dilka Sheekha Maxkamada ayaa xukuno ku riday ilaa 12 ruux oo qaarkood ay goob jog ka ahaayeen xarunta maxkamada halka qaar kalane ay ka maqnaayeen maxkamada.
Maxkamada ayaa xukun dil ah ku riday 12 ruux oo ay sheegeen iney siyaabo kala duwan ugu lug lahaayeen dilka Sheekd Dr Axmed Xaaji C/raxmaan,go’aanka maxkamada ayaa waxaa ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee gobolka Bari C/fataax Xaaji Aadan Axmed magacyada dadka la xukumay ayaa kala ah.
1-Axmed Cabdi Godane- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab
2-Xasan Jaamac Xasan (Surato)
3-Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid)
4-Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan)
5-Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle)
6-Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub)
7-Axmed Maxamed Cali (Mustaf)
8-Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra)
9-Maxamed Abshir Cartan
10-Cabdiraxmaan Maxamed Cali
11-Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)
12-Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf

Maamulka puntland ayaa sheegay in dadkan la xukumay ay ahaayeen dadkii dilka u geystay Dr Sh. Axmed Xaaji C/raxmaan iyo kuwo gacan ka geystay oo fududeeyey dilkiisa,Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira ururka alshabaab oo dilal qorsheysan ka geystay gudaha deegaanada Puntland  oo uu ugu danbeeyey dilkii alla ha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo bishan gudaheeda lagu toogtay Masjidka Beder ee bartamaha magaalada Garoowe xili uu salaada Casar u taagnaa.



_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada