Ferdinand: Hadii Aad U Maleyso In Gareth Bale Uu Ku Heer Yahay Ronaldo Iyo Messi Kubada Waxba Kama Taqaanid.

Ferdinand: Hadii Aad U Maleyso In Gareth Bale Uu Ku Heer Yahay Ronaldo Iyo Messi Kubada Waxba Kama Taqaanid.


Rio Ferdinand ayaa aaminsan in qof walba oo xiddiga Tottenham barbardhiga xiddigaha Real Madrid iyo Barcelona Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi inuusan waxba ka aqoon kubada cagta.
Daafaca Manchester United ayaa u qoray 4ta milyan ee ku raacda bogiisa Twitter in Bale uu u baahan yahay inuu heerkiisa haatan ku socodo muddo seddex ama afar sanno ah si xitaa markaas looga doodo inuu heerkooda joogo.
Waxa uu qoray: “Dadka tilmaamaya in Bale uu ku heer yahay Cristiano Ronaldo iyo Messi waxba kama yaqaanaan kubada cagta. Bale waa mid ka mid ah labada ciyaaryahan ee ugu fiican Premier League sannadkan.
“Laakiin ma gaarin heerka CR7 iyo Messi… hadii waxa uu haatan sameynayo uu sii wado labo ama seddex sanno markaas ayaa xitaa laga doodi karaa.
“Bale sannadkan waa uu fiicnaa, sidaasi darteed waxaan taaganahay boos fiican oo aan ku qiimeyn karo. CR7 + Messi waxa ay ahaayeen kuwa adduunyo kale ka yimid muddo afar ama shanadood ah.”
Bale ayaa u dhaliyay kooxdiisa 15 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, isagoo Tottenham kaligiis u soo dhiciyay 15 dhibcood.
Istaatistikada ayaa tilmaameysa in Spurs ay ku jiri lahaayeen kaalinta 9aad hadii Bale uu ka maqnaan lahaa, waxaana arintaan ay soo baxeysaa xilli Andre Villas-Boas uu sheegay in Bale uu u qalmo xiddiga sannadka horyaalka Ingariiska.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada