Iker Casillas : Ronaldo Waxa Uu Xalay Sameeyay Waxaan Ka Sugeynaa Kulanka Man United.

Iker Casillas : Ronaldo Waxa Uu Xalay Sameeyay Waxaan Ka Sugeynaa Kulanka Man United.


Kabtanka kooxda Real Madrid ahna gool hayaha koowaad ee kooxda Iker Casillas ayaa muujiyay sida weyn ee uu ugu faraxsan yahay guusha kooxdiisa ka soo hoyisay kulankii xalay ee Barcelona ee qeybta ka ahaa Cope Del Rey ee ku dhamaaday sedex gool iyo halka .
Lugtii hore ee koobkaan ayaa ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu ee Real Madrid waxa uuna ku dhamaaday bar bar dhac min hal gool ah .
Iker oo xalay ciyaarta ka daawanayay kuraasta sababo la xariira dhaawicii jabka ee gaaray ayaa yiri ” waxaan doonayaa in aan u hambalyeeyo guusha kooxda tanina waa farxad u soo hoyatay taageerayaasha”.
Mar uu ka hadlayay xidiga kooxda ee Ronaldo ayuu yiri ” Ronaldo mar waliba waa laacib fir fircoon , waxaan ka rajeyneynaa in waxa uu xalay sameeyay in uu ka sameeyo garoonka Old Trafford ee kooxda Man United “.
” Ciyaarahaan oo kale waxa ay mar waliba muujinayaan qimaha uu leeyahay Ronaldo , haddii uu hishiis cusubna u saxiixo kooxda taasi waa war farxad leh ” ayuu ku daray gool hayaha kooxda Real Madrid.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada