Xoolihii u horeeyay muddo 20-sano ah oo xalay laga dhoofiyay Dekeda Muqdisho

Xoolihii u horeeyay muddo 20-sano ah oo xalay laga dhoofiyay Dekeda Muqdisho


Waxaa xalay Dekeda magaalada Muqdisho laga dhoofiyay xoolihii u horeeyay muddo 20-sano ah, iyadoo Markab taagnaa Dekeda lagu raray 549 Lo’, kaasoo loo qaaday dalka Cumaan.
Munaasabad lagu daah furayay dhoofinta Xoolaha oo ka dhacday Dekeda Muqdiisho ayaa waxaa ka hadlay Maareeyaha Dekeda Muqdisho iyo Wasiir kuxigeenka Ganacsiga Soomaaliya, kuwaasoo sheegay in tallaabo horay loo qaaday ay tahay dhoofinta xoolaha loo iib geeyo dalka dibadiisa.
Maareeyaha Dekeda Muqdisho C/llaahi Cali Nuur ayaa sheegay in tani ay muddo sugayeen in Dekeda Muqdisho laga dhoofiyo xoolo, waxaana uu xusay inay ka qeyb qaadaneyso horumarinta ganacsiga dalka.
Wasiir kuxigeenka Ganacsiga C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in 549 neef oo lo’ ah loo xalay loo dhoofiyay dalka Cumaan, isagoo xusay in tallaabadan ay tahay mid bilow ah, isla markaana haatan wixii ka dmabeeya Dekeda Muqdisho laga dhoofinayo xoolo.
Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in aanay jiri doonin wax caqabad ah oo ay kulmi doonaan Ganacsatada dhoofisa xoolaha, isla markaana Xukuumada ay wado dadaal ku saabsan sidii Xoolaha dalka looga dhoofin lahaa.
Maxjar ku yaala deegaanka Jaziira ayaa muddo 45-cisho ay ku jireen xoolahan, halkaasoo lagu siinayay daryeel caafimaad.
Dekedaha Boosaaso iyo Berbera ee Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ahaa meesha kaliya ee labaatankii sano ee u dambeeyay laga dhoofinayay xoolaha, waxaana xoolaha laga qaadayay Koofurta Soomaaliya lagu geynayay gaadiid.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada