Sababaha Labada Lamaane Ku Qasba In Ay Ka Caagaan Sameynta Jaceylka ! Muragada Ayaa Ugu Daran .

Sababaha Labada Lamaane Ku Qasba In Ay Ka Caagaan Sameynta Jaceylka ! Muragada Ayaa Ugu Daran .


Nolosha macaan ee sariirta ayaa lagu tirayaa tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha qoyska , waxaa jira arimo keena in laga caago sameynta jaceylka waa ayna ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarka.
Mararka qaar mid ayaa u sabab noqon kara marna labada lamaane ayaa mas`uul ka noqonaya ka caagidda ciyaarta , alcarabiya ayaa hadaba ku siineysa dhowr arin oo u sabab ah .
Muragada Joogtada Ah : kulamaa murago jirto ha ahaato mid ka dhalaneysa mushkiladaha dhanka qoyska ama shaqada ama maaliyada waxa ay saameyn ku yeelataa gudashada ciyaarta oo waxa ay keenayaan in laga caago.
Doodaha Iyo Is Qab-qabsiga Badan : Marka ay bataan is qab qabsiga labada lamaane waxaa ogataa in rabitaanka galmo uu hoos u dhacayo waxaan ugu daran hadii doodaha la socdaan bahdilad iyo yasid
Qaadashada dawooyin Badan : daawooyinka ugu daran ee aysan habooneyn si waali ah loo qaato waxaa ka mid ah kuwo neerfo dajiyaasha iyo kuwo hurdada loo qaato, waxa ay yareeyaan baahida dhanka galmada.
In La Waayo Soo Jiidasho Labada dhinac Ah : Ka dib sanado badan oo ka soo wareegata guurka hadii mid ka mid ah labadiina uusan dareemeyn soo jiidasho jirka kan kale taas waxa ay keeneysaa in baahida ciyaarto yaraato , waxaana muhiim ah in midkiin midka kale si sarxaad ah ugu sheego ka hor inta daaqada ka bixin dhamaan rabitaanka ciyaarta .
Ragga Qaar Oo Doonaya In Ay Galmo Gacmeed Sameeyaan (Siigo) ragga caadeysta siigada ayaan dareemeyn raaxo marka ay lamaantooda la joogaan waxaana ugu raaxo macaan midka gacantooda ah , hadii galmo gacmeedka uu ninka ku sii socdo waxa uu toos uga caagayaa midda sariirta.
Xishoodka Dhanka Galmada : waxaa jira haween iyo rag ka xishooda muujinta in macaanka galmada gaareen amaba ka xishoonaya wadadii a ku gaari laaheeyn taasina iyana waxa ay keeneysaa in baahida galmada yaraato .
Hadii Ay Jiraan Dhibaatooyin Dhanka Hormone-da Ah : gaar ahaan Testosterone hadii ninka uu ku yaraado Hormen-kaasi oo lagu tiriyo midka xoojiya rabitaanka galmada .
Dareemidda Xanuun : inta badan dhanka haweenka ayay u badan tahay hadii aan la daweyn xanuunkaas nooca uu doono ha ahaadee waxa ay keeneysaa in sameynta ciyaarta gabi ahaanba ka cararto .
Ugu dambeyn hadii haweeneyda ay dhashay caruur badan saameyn ayay ku yeelanayaan rabitaankeeda galmo ayay alcarabiya ku leedahay oo maxaa yeelay waxaa la tilmaamayaa in is bedelada ku imaanaya kulamaa cunug ay dhasho in ay sababeyso arintaas.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada