Ma Dooneysa In Ninkaada Uu Noqdo Mid Daacad Kuu ah? Sidaan Sameey.

Ma Dooneysa In Ninkaada Uu Noqdo Mid Daacad Kuu ah? Sidaan Sameey.


Daacadnimada waa lacag helisteeda adag tahay sida ay inta badan tilmaamaan haweenka , si aad u hesho daacadnimada ninkaada /naagtaada WMN ayaa ku siineysa talooyin muhiim ah oo ku aadan arintaas .
Ixtiraam : waa tilmaamaha ugu weyn ee xoojiya kalsoonida labada lamaane , iyadoo hadii uu ninka dareemo arintaas waxa uu sameeyaa fal celis aad u wanaagsan oo aad ku heleyso daacadnimadiisa.
U muuji in aad adiga wax waliba u tahay , walaal , xaas, hooyo iyo xabiibtiisa hadaad sidaas u muujiso indhihiisa adiga mooyee meel kale kuma fiirinayo.
Qadari wax waliba oo uu dantaada u sameynayo : Waxa uu ninka uu dareemaa niyad jab marka uu arko dhamaan dadalaadiisa uu u sameynayo adiga iyo caruurta aysan helin wax qadarin ah , ku tix gili wax waliba xitaa hadii ay yar yihiin waayo waxa uu doonayaa farxad gilintaada.
Dhageyso : ogoow iska dhaga tirka sheekada ninka waxa ay keeneysa in dabacsanaan ay ku timaado xariirkiina qoyska ee gabaryaheey ka dhig ninkaada in wax waliba kaaga muhiimsan yahay /kaaga muhiimsan tahay .
U Noqo Saaxibad : waxaa gabaryaheey xaaska ah lagula talinayaa in aad ninkaada siiso xoogaa xoriyad ah si uu u awoodo in uu soo tufo waxa laabtiisa ku jira kagaana dhigto saxibad oo ku taageer fikradihiisa.
Wax Bacrimin: mararka qaar waxaa laga yaabaa in ninka uu wax ku yiraahdo taas oo keeneysa dhibaato is faham la `aan ah ee gabaryaheey ha isku dayin in aad warkiisa wax kala dhex baxdo oo aad ka bacrimisato ee weydii si saraaxad ah waxa uu ula jeedo .
Waa Muhiim Fikirkaada ku aadan mowduucaan , WMN hoyga arimaha qoyska .


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada