Xaaladda Jabuuti oo Dhexdhexaadin lagu Baaqay

Xaaladda Jabuuti oo Dhexdhexaadin lagu Baaqay

Ciidamada booliska Djibouti ayaa ka la eryay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Jabuuti iyo dugsiyada oo banaanbax maanta dhigay.

Xaalaadda xaafadaha ku yaalla caasimadda ayaa deggan inkasta oo isku-dhacyo ay booliska iyo dibadbaxayaasha ku dhex mareen xaafadda Balbala ee duleedka caasimadda. 

Xiisaddan ayaa ka dhalatay natiijadii doorasahada Baarlamaanka oo ay ururada mucaaradku diideen in ay aqbalaan.

Mucaaradku ha joojiyaan Mudaaharadka, Dawladduna wada hadal ha ogolaato Madaxa Xisbiga CDU, Cumar Cilmi Khayre Hoggaamiyaha Xisbiga dhex dhexaadka ah ee CDU, Cumar Cilmi Khayre, ayaa ugu baaqay Isbahaysiga Mucaaradka ee USN in ay joojiyaan dibad baxyda, waxaana uu sidoo kale ugu baaqay isbahaysiga talada haya UMP inay sii daayan dhalinyarada la xidhay oo ay bilaabaan wada hadal lagu xalinayo khilaafka taagan. 

Xadhigga iyo Rabshaddu xal ma aha Cabdiraxmaan Waaberi, Qoraa iyo Bare Jaamacadeed oo reer Jabuuti ah Cabdiraxmaan Waaberi oo ah qoraa u dhashay Jabuuti waxna ka dhiga Jaamacadda George Washington University ee magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahanyahay in meel dhexe la isugu yimaaddo. 

Qoraaga ayaa dhaliilay qaabka ay xukuumadda Jabuuti uu maamulayso talada dalka, isaga oo ku baaqay in ay labada dhinac is dhegaystaan lana ogolaado codsiga shacabka.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada