2 Qarax oo Mataanaha ah oo Goordhow ka Dhacay Maqaayad kutaala Xeebta Liido

2 Qarax oo Mataanaha ah oo Goordhow ka Dhacay Maqaayad kutaala Xeebta Liido


Wararka Naga soo gaaraya xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa ku waramaya in 2 laba qarax oo isxig xiga ay ka dheceen maqaayada Indian Ocean oo ku taala afaafka hore ee xeebta Liido  goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo iyo saraakiil oo katirsan dowlada Soomaaaliya.
Qaraxyada ayaa la sheegay in midka hore uu ahaa gaari laga soo buuxiyey kaasoo ku qarxay ilinka maqaayada iyadoo qaraxa xigane uu ahaa qof is qarxiyey kaaasoo la sheegy inuu xirnaa sun ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Laanta danbi barista C/laahi Xasan Bariise.
C/laahi XAsan Bariise ayaa sheegay in qaraxa uu ku geeriyooday 1 ruux halka ay 7 kalane ku dhaawacmeen kuwaas oo dhaawacyadaooda ay daabulayaan gaadiidka Ambalaaska  kuwaas oo loola cararayo cisbitaalada magaalada Muqdisho.
Ninka Ismiidaamiyey ayaa lasheegay inuu maanta ka cunteeyey  Maqaayada uu isku qarxiyey iyadoona la tilmaamay inuu watay boors ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa goobjoogayaal ku sugnaa maqaayada la weeraray ayaa xaqiijiyey in ninka is qarxiyey uu tiro dhowr jeer ah galay Suuliga maqaayada iyadoo la aaminsan yahay inuu kusoo diyaarinayey walxaha qarxo oo uu ku sitay boorsada.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada