Arimaha Ugu Daran Ee Keena Qilaafaadka Labada Lamaane .

Arimaha Ugu Daran Ee Keena Qilaafaadka Labada Lamaane .

Qubarada arimaha qoyska ayaa tilmaamaya in heerka furiinka dalka Somaliya uu kordhay taasi oo keeneysa in dib loogu laabto wax yaabaha keenaya qilaafaadka qoyska , waxaa ka mid ah arimaha keena .
1- Dabacsanaan : waa caqbadda ugu horeeysa ee qaboowga ku keeneysa xariirka labada lamaane oo xaraarada ka qaadeysa , waxaa loo baahaan yahay in ihtimaamka uusan daaqada ka bixin oo labada lamaane sameeyaan dib u dayactir oo mararka qaar wada aadaan safar si waqti iskula soo qataan hadii ay awoodaan.
2- Maseerka : Maseerka wax yaabo yar ayuu ka dhashaa balse waa dilaa aan la ogeyn .
3- Tix Gilinta Oo Yaraata : in qilaafaadka jira in si xor looga hadlo waa caafimaad u wanaagsan qoyska balse hadii yasid iyo bahdilid la socoto waxa ay tani dhaawaceysa daremaha jaceyl , waana adag tahay in la iska cafiyo .
4- Dhibaatada Maaliyadda : inkastoo qoysas yar ay arintaan toos uga hadlaan hadana waa dhib jira , cariiriga nolosha iyo bakhiilnimada waa ay keenaayan qilaafaadka qosyska waana muhiim in si wada jir ah loo qorsheeyo xalinta arimahaas.

5- Wadahadlka Oo Yaraada Isla Markaana Adkaato In La Is Dhageysto : si looga gun gaaro isu dheeli tirnaanta xariirka qoyska warcad.com waxa ay ku leedahay waxaa muhiim ah in labada laamane awood u lahaadaan in ay is gaarsiin kaaraan fikradaha si wanagsan iyadoo midba midka kale uu dhageysanayo , wadahadalka tooska ah ayaa tiirka ugu muhiimsan ee lagu xalin karo mushkiladaha qoyska .

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada