Burcad Badeeda Soomaalida oo kusii daayey madaxfurasho ka badan $9 Milyan Markab Shidaal siday

Burcad Badeeda Soomaalida oo kusii daayey madaxfurasho ka badan $9 Milyan Markab Shidaal siday


Shirkada Maraakiibta ee Dynacom Tankers Management Ltd oo fadhigeedu yahay magaalada Athens ee caasimada dalka Giriiga ayaa shaacisay in todobaadkan Burcad Badeeda Soomaalida ay siidaayeen Markabkii ay lahayeen ee MT SMYRNI.
Markabka MT Smyrni
Markabkan MT SMYRNI oo laga leeyahay dalka Giriiga ayaa ah nooca qaada Shidaalka wuxuuna siday in ka badan 135.000 metric tons oo shidaal ah, waxaana saarnaa shaqaale gaaraya 26 oo kasoo kala jeeda dalalka Hindiya, Filibiin iyo Romeeniya.
Markabkan ayey burcad badeeda Soomaalida gacanta ku dhigeen bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2012, tan iyo xiligaasi waxaa socday gor gortanka iyo wadahadalka laga dhexwaday shirkada Markabkaasi leh iyo kooxda Soomaalida ah ee Afduubka ku heystay.
Shirkada Markabkan leh ayaa diiday inay faah faahin ka bixiso lacagta madax-furashada looga qaatay, balse mid kamid ah kooxda Burcad badeeda ah ayaa Wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in lacag gaareysa $9.5 milyan oo dollar ay heleen, kadibna siidaayeen markabkaasi.
Madax furashadan ayaa ah tii ugu badneyd oo laga qaado Markab lagu afduubay xeebaha Soomaaliya, waxayna kusoo beegmaysaa xili sanadihii lasoo dhaafay ay hoos u dhacday weerarada ay qaadaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada