Saraakiisha Booliska oo ka Warbixiyey Hawlgal ay Maanta ka Sameeyeen Degmooyinka X/jajab & X/weyne

Saraakiisha Booliska oo ka Warbixiyey Hawlgal ay Maanta ka Sameeyeen Degmooyinka X/jajab & X/weyne


Saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey hawlgal ballaaran oo ay ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka X/jajab iyo X/weyne taliyaha laanta danbi baarista ciidamada booliska Soomaaliyeed ee CID_da ahna afhayeenka booliska Soomaaliyeed C/laahi Xasan Bariise ayaa warbaahinta uga waramay hawlgalkii ay maanta sameeyeen.
Gen. Bariise ayaa sheegay in hawlgalka maanta lagu soo qabqabtay dad kor u dhaafaya 670 ruux  wuxuuna sheegay in markii danbe dadkaasi la kala saaray isagoona tilmaamay in  42 kamid ahaa dadkaas loo gudbiyey xarunta danbi baarista CID halka intii kalane ay  dib xoriyadooda u heleen wuxuuna shaaca ka qaaday in 42 ruux ee loo dhaadhiciyey xarunta CID baaritaano dheeraad ah lagu samayn doono.
Afhayeenka booliska C/laahi Xasan Bariise ayaa tibaaxay in hawlgalka maanta uu qayb ka yahay hawlgalo isdaba joog ah oo uu sheegay in boolisku uu uga danleeyey xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya wuxuuna daboolka ka qaaday iney sii wadi doonaan hawlgalada nuucan ah ee ay ku baacsanayaan dadka lala xiriirinayo iney gacan saar la leeyihiin ururka alshabaab.
Gen. Bariise ayaa wacad ku maray iney guud ahaaan magaalada Muqdisho ka sifeyn doonaan dagaalamayaasha alshabaab ee ku sugan gudaha Muqdisho kuwaas oo qaraxyo iyo dilal gaadma ah ka geystay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada