Burcad maalin cad u dhacday mid kamid ah Shariikadaha xawaaada Soomaaliya oo shaqaale kuleysay lacag fara baddanna kaboobtay.

Burcad maalin cad u dhacday mid kamid ah Shariikadaha xawaaada Soomaaliya oo shaqaale kuleysay lacag fara baddanna kaboobtay.


Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in koox burcad ah oo si aad ah isu soo hubeeyay ay galeen xarunta shirkada Xawaalada Kaah Express ee magaaladaasi halkaasi oo ay ku dileen qaar kamid ah xubnaha ugu muhiimsan shirkadda, lacag badan oo cadadeeda aan lasheeginna ay ku boobeen.

Kooxda ayaa markii ay soo galeen xarunta durbadiiba waxa ay toogteen waardiyihii iyaga oo isla markiina u gudbay qolka Qasnajiga oo ay isna ku toogteen halkasi oo ay kala baxsadeen lacago fara badan ayna goobta isaga baxsadeeen.

Dad xarunta macaamiil u ahaa oo markaasi u tegay in ay kasoo qaataan lacago loogu soo xawilay ayaa waxa ay sheegen in ruux kale isla goobta lagu dhaawacay inkasta oo aan laqirin in uu kamid ahaa shaqaalaha iyo in uu macaamiisha shirkada ku jiray.

Lama sheegin wali halka ay burcadaasi katimid iyada oo sidoo kale aysan kahadlin dhacdadaan maamulka Shirkada boobka lacageed iyo shaqaalaha laga dilay leesugu daray.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada