Hadmaa kuugu Dambeysay Muuqaalka Gawaaridan layaabka leh oo laga isticmaalo kaliya Somalia(Daawo Sawirada)

Hadmaa kuugu Dambeysay Muuqaalka Gawaaridan layaabka leh oo laga isticmaalo kaliya Somalia(Daawo Sawirada)


Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka Somalia waxaad ku arkeysaa gawaari cajiib ah oon filayo in aysan jirin meelo kale oo dunida laga isticmaalo marka laga reebo Gudaha Soomaaliya ay gawaaridan can ka yihiin.

Gawaaridan waxa ay u badan yihiin gawaarida waa weyn ee Soomaalidu u taqaan N 3 waana gawaari afka laga jaray oo darawalka uusan heesan meel uu kaga gabaad galo qoraxda iyo dhibicda roobka marka ay jiraan.

Gawaaridan oo lagu qaado alaabaha loo qaado gobolada Dalka Soomaaliya ayaa sababaha madaxa looga jaray lagu sheegay xaalad xiliyadii lasoo dhaafay jirtay oo ah in gaarigu hadii uu madax leeyahay uuna qurxoon yahay uu halis ugu jiro ay ay dhacaan burcada jidka gasha balse gaarigu mar hadii uu sidaan u yaalo la iska dhaafo.

Waxaana dhacda gawaaridan in xiliyada uu roobku jiro madaxa laga soo rao bac si ay dhibicda roobka uga badaal galaan darawalka iyo dadka kale ee saran gaarigaasi iyadoona ay dad badan aad ula yaabaan sida gawaaridaasi ay safar dheer oo gobolo ah u baxaan iyaga oon heesan meel roob ,dabeel iyo qorax bada ay uga gabadaan.

Gawaaridan waa weyn ee Madaxa laga jaray ayaa hada ku badan magaalada Muqdisho maadama ay inta badan gabeen tabar ay safar dheer ku tagaan waxa ayna inta badan alaabaha kasoo daabulaan Dakada Magaalada Muqdisho iyaga oo geeya Suuqayada ganacsiga ee Magaalada.

Caalamka lagama isticmaalo gawaari sidan oo kala ah ama gawaari duq ah oo duugoobay waxaana waajib ah in inta badan gawaarida nuucaan oo kala ah marka laga hadalyo Caalamka laga mamnuuco ruqsada isticmaalka wadooyinka Muhiimka ah







_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada