Cali Dheere “Wax aan taariikhda dhicin in dad inta la eg oo qaraabo ah in meydadkooda la soo dhigo guryahooda hortooda”

Cali Dheere “Wax aan taariikhda dhicin in dad inta la eg oo qaraabo ah in meydadkooda la soo dhigo guryahooda hortooda”


Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay dilal 48-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa meydad dad dhalinyaro ah oo la soo dhigay wadooyinka, kadib markii si xun loo soo dilay.
Cali Dheere ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ka dambeysay dilalka dadka rayidka ah, isagoo tilmaamay in wax aan wali la arag oo aan taariikhda dhicin lagu sameeyay dad qaraabo iyo isku heyb ah, inta meydadkooda la isku soo uruuriyay la soo dhigay guryahooda hortooda.
“Maanta wax aan waligeed ka dhicin oo aysan soo marin inay ku sameeyeen caruurtii iskuulada dhiganeysay, kuwii ganacsiga iyo shaqooyinka u aaday magaalada inta la uruursaday xabsiyada lagu guray, kadibna lacag laga dalbaday markii ay bixin waayeen meydadkooda mid walba gurigiisa la soo dhigay, maanta halkaas ayay mareysaa”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa uga tacsiyadeeday dadka reer Muqdisho in dadkooda sidaas loo galo, isagoo xusuusisay inay aheyd arrin ay shalay kaga digayeen, in dhibaatadan inta la eg lagu haayo sida uu yiri.
“Waa wax aan taariikhda ka dhicin in dad intaa la eg oo qaraabo ah, isku heyb oo dad walaalo ah inta la soo uruuriyo halkaa la safo, iyagoo meyd gurigooda la soo hor dhigay, waa qadiyad murug iyo calool xumo badan oo ka taagan magaalada Muqdisho”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo saacadihii u dambeeyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho la soo dhigay meydadka dad toban ku dhow oo rasaas jirkooda ka muuqatay, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen dad horay howl galo ay ku qab qabteen ciidamada dowladda.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada