Taliyihii Ciidamada Badda ee Gobolka Banaadir oo xalay lagu dilay degmada Dharkeenley

Taliyihii Ciidamada Badda ee Gobolka Banaadir oo xalay lagu dilay degmada Dharkeenley


Kooxo Hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Dharkeenley Taliyihii Ciidamada Badda ee Gobolka Banaadir, iyadoo Taliska Badda Soomaaliyed uu ka hadlay dilka Taliyaha.
Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyed Admiral Faarax Qarre ayaa sheegay in Taliyaha ay dileen kooxo hubeysan, isagoo tilmaamay inuu ahaa Taliyihii Gobolka Banaadir ee Saldhiga Hobyo ilaa Baraawe.
“Kooxo habaar qabayaal ayaa dilay marxuumka isagoo gurigiisa ku weysa qaadanayay, waana laga daba tagi doonaan maalin aan dheereyn”ayuu yiri Admiral Faarax Qarre.

Mar la weydiiyay Admiral Faarax Qarre in Sarkaal heysta Mas’uuliyadaas in ammaankiisa laga fikiri waayay ama uusan aheyn wax ilaali ah ayaa sheegay inuu heystay Ciidan, hase ahaatee tiisa ay dhamaatay.
Dilkan Sarkaalkan ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliyed ayaa noqonaya kii u horeeyay, iyadoo uu ku soo beegmayo, xilli dhowaan Ciidanka badda u dabaal degay sanad-guurada markii la aas aasay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada