Sacuudiga oo noqday dalka ugu shilka badan Aduunka, iyadoo 20-kii sano ay ku dhinteen 86,000 oo ruux

Sacuudiga oo noqday dalka ugu shilka badan Aduunka, iyadoo 20-kii sano ay ku dhinteen 86,000 oo ruux


Dalka Sacuudiga ayaa noqday dalka aduunka uu shilka badan, iyadoo ay ku dhinteen 20-kii sano ee la soo dhaafay 86,000 oo ruux oo u dhigan in maalintii ay dhigaan 17-ruux.
Col Zuheyr Bin Cabdiraxmaan Sharaf oo ah madaxa taraafifikada ee Magaalada Madiina Al-munawarah ayaa shegay in dadka ugu dhinta Sacuudiga shilalka gaadiidka isu cel celis ay gaarayaan 17 qof maalintii, oo u sii dhiganta 40-ki daqiiqaba hal qof in uu u dhinto shil.
Sidoo kale Colnelka waxa uu sheegay in dhaawaca ka dhshay shilalka uu gaaray 68,000 oo qof sanadkii, iyo khasaare aduun gaaraya 13 milyaar oo riyaal sanadkiiba, sida uu u sheegay wargeys ka faalooda dhaqaalaha oo lagu magacaabo IQTISAADIYAH.
Waxaa uu sheegay in dadka ku dhintay shilalka gaadiid ee ka dhacay Sacuudi ay ka badan tahay dadkii ku dhintay dagaaladi ka dhacay dalalka Arjantiin, dagaalkii Hindiya iyo Pakistan, dagaalkii saxaraha galbeed ee Morocca, dagaalki khaliijka, dagaalkii sokeeye ee Nepal,dagaalkii xoriyadaa ee Croatia dadka ku dhintay waxa ay gaarayeen 82,000 oo qof.
Sidoo kale waxa uu ka sii badan yahay dadkii ku dhintay dagaalki khaliijka oo gaaray 5200 qof, Coneylkal oo hadalkisa sii wata ayaa sheegay in ay sii kordhi doonto dhimashada shilalka oo ay gaari doonto sanadka 2019 tiro dhan 9600 qof.
Daraasad laga sameyay shilalka dalka sacuudiga ayaa lagu shegay in sabato ka timaado wadayaasha gaariga ahaa sida xowliga ah oo ay ku wadaan gaadiidka, iyo sidoo kale darawlada oo aan xirfad fiican u laheyn wadida gadiidka,
Waxaa kale oo daraasadaas sheegtay in ay aad u mashquuliyeen isbitaalada dalkaas, waxayna gaaarysaa nisbada dadka ay daaweeyaan isbitaaladas seddex qaybood laba qayb waa dad shil ku soo dhaawacmay, sidoo kale waxaa aad ugu dhibtooda qoysaska ay ka so jeedaan dadka dhaawacma oo ku jiifta sariiraha isbitaalka 30%.
Col. Zuheyr ayaa sheegay dadka shilka ku dhintay sanadkii 2011 dalka sacuudiga ay gaarayaan 7153 qof, waana tiro aad uga badan dadkii ku dhintay rabshada dalka Ciraaq sanadkaas oo gaaraye 4200 oo ruux

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada