Mustafa Qamar oo walaac ka muujiyay Xatooyo lugu sameeyay Qaar ka mid ah Heesihiisa

Mustafa Qamar oo walaac ka muujiyay Xatooyo lugu sameeyay Qaar ka mid ah Heesihiisa


Fanaanka Caanka ah ee ka soo jeeda Dalka Masar Mustafa Qamar ayaa walaac xoogan ka muujiyay xatooyo lugu sameeyay qaar ka mid ah Albunadiisa waxa uuna sheegay in uu arkay heeshiisa oo ay dad kale ku codeenayaan iyaga oo aan wax xusitaan ah ku samaynayn.


Waxa uu sheegay in uu sameeyay baaritaano dheeraad ah islamarkaana waxa uu sheegay in uu soo ogaaday in ay isticmalaan heesahiisa qayba ka mid ah Fanaaniin uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa xad gudbiya kula kacay Albunadiisa.


Fanaanka ayaa sheegay in kooxaha Falkaa ku kacay ay yihiin kooxa aan Fanaaniin lugu tilmaami karin oo tuuga ah sida uu hadalka u dhigay waxa uuna cabasho ka muujiyay Falalkaa haatan ku soo kordhay Fanka wadamada Carbta .

Wadamada Masar iyo Lubnaan ayaa inta badan lugu tiriyaa dalalka dhanka Fanka looga danbeeyo waxana dhoor jeer oo hore dhacday in ay Fanaaniinta Labada dal ay isku qabteen howlo la xariira Fanka Labada Dal.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada