La Yaabka Dunida: Shirkadda Google oo soo Saartay Kabo Tiknoolaji ah oo la Hadlaya Qofka Xidhan.

La Yaabka Dunida: Shirkadda Google oo soo Saartay Kabo Tiknoolaji ah oo la Hadlaya Qofka Xidhan.


Shirkadda caanka ah ee Google, ayaa ku dhawaaqday inay soo saartay kabo casri ah oo lagu rakibay kombuyuutar yar oo la hadlaya qofka xidhan si uu u ogaado xaalad kasta oo uu ku sugan yahay.

Qalabkan oo lagu xidhayo kabaha la yidhaa Adidas, waxa kaloo ku lammaan aalado kale tignoolaji ah sida; accelerometer, a Gyroscope iyo qalab awood u leh dareemista xaaladda qofka xidhan.


Kabaha qalabka tignooliga ku shaqaynaya, waxa markii ugu horraysay lagu soo bandhigay dhammaadkii toddobaadkii hore dabbaal-deg xafladeed oo lagu qabtay koonfurta galbeed ee magaalada Austin oo ka tirsan Gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Mr. Aman Govil oo hoggaaminaya kooxda kabahan xayeysiiska u sameeyey oo u warramay wakaaladda ABC News, ayaa waxa uu yidhi; ?Kabahan hadlaya waa tijaabo ku saabsan sidii dadku u isticmaali lahaayeen alaabooyin ku xidhiidhin kara si ay xaaladooda u sheegaan, isla markaana qof kastaa macaluumaadkiisa ka daalacan karo barta internetka.


Kabahan ayaa la sheegay in dadku uga faa?iidaysan karaan tiknoolajiga la yidhaa Bluetooth, si dhaqdhaqaaqiisa internetka looga ogaado, iyadoo laga ogaan karo meel kasta oo uu ku sugan yahay marka la daalacdo khariidadda internetka ee shirkadda Google masuulka ka tahay.

Sidoo kale, kombuyuutarka ku rakiban kabahan cusub waxa uu awood u siinayaa qofka inuu ogaado goobta uu ku sugan yahay inay tahay mid nasashada ku wanaagsan, waxaanay la socodsiinayaan iyagoo u dhawaaqaya kolba jewiga meeshu siduu yahay iyo sii joogisteeda.

Meel kasta oo aad ku sugan tahay waxay u sheegayaan eray ahaan, qof kasta oo hela kabahaasna wuxuu helaya macluumaadkaaga oo dhan iyo wixii aad maalintaas qabatay,? ayuu sharraxaaddiisa sii raaciyey Mr. Govil.

Shirkadda Google waxay sheegtay in aanay qorshaynayn sii horumarinta kabahan, isla markaana aanay ku talo jirin inay samayso wershad kabaha soo saarta.

Ibraahim khadar Sa´ed


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada