Kooxda Manchester City ayaa si fudud ugu gudubtay semi-finalka FA Cup ka dib markii ay 5-0 ku qanciyeen kooxda Barnsley oo marti ku aheyd Etihad Stadium.
Tevez ayaa goolasha u furay daqiiqadii 11aad, markii Yaya Toure uu kubad qatar ah u dhex bixiyay Silva kaasoo darbadiisii goolka ay soo celisay birta, laakiin waxaa helay oo shabaqa cusjiyay xiddiga reer Argentina.
Kolarov ayaana u labeeyay City daqiiqadii 27aad ee ciyaarta ka dib markii baas qatar ah uu ka helay Tevez islamarkaana kubad taraarax ah uu qeybta hoose ee midig ee goolka ku hubsaday.
Daqiiqadii 31aad Tevez ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolkii seddexaad ee City ka dib markii uu baas ka helay Silva.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 3-0 oo Sky Blues ay hogaanka ku heysay, qeybtii labaad shan daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Tevez ayaa dhameystirtay seddexleydiisa isagoo kubad sahlan shabaqa dhex dhigay ka dib shaqo fiican oo uu Nasri dhanka midig ka soo qabtay.
David Silva ayaana dhaliyay goolkii 5aad ee ciyaarta daqiiqadii 65aad markii uu caawin ka helay Tevez oo seddexleey iyo labo gool oo uu caawiye ka ahaa ka qaatay garoonka kulankii caawa.
Sidaasina Manchester City ayaa 5-0 kaga talaabsatay kooxda Barnsley, iyagoo si sahal ah ugu gudbay wareega 4 dhamaadka.
Dhanka kale kooxda Wigan ayaa awood weyn u sheegay Everton ciyaartii wareega 8da FA Cup ee marti loo ahaa kooxda Everton ka dib markii ay kaga badiyeen 3-0.
Wigan ayaa seddexda u gool ku dhaliyay seddex daqiiqo gudaheed intii u dhaxeysay daqiiqadii 30aad ilaa 33aad iyagoo ay u kala saxiixeen Figueroa, McManaman, iyo Gomez.
Kooxaha Wigan iyo City ayaana maanta iska xaadiriyay semi-finalka FA Cup, iyadoo kulamada berri ee Milwall v Blackburn iyo Man United v Chelsea ay ka soo bixi doonaan labada koox kale ee semi-finalka u gudbeysa iyadoo isku aadka isla habeen danbe la qaban doono.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:54 and have

