Daawo Sawirro iyo wararkii ugu danbeeyay ee weeradii qaraxyada ahaa ee lagu qaaday Maqaayada Indian Ocean.

Daawo Sawirro iyo wararkii ugu danbeeyay ee weeradii qaraxyada ahaa ee lagu qaaday Maqaayada Indian Ocean.


Qaraxyo laba ah hasa yeeshee kala duwanaa sida loo fuliyay ayaa galabta waxaa lagu qaaday maqaayada Indian Ocean oo ku talla xeebta Liido degmada Cadbdi Casiis ee gobalka Banaadir.

Weerarada oo ilbiriqsiya uun ay u dhexeeyeen ayaa waxa ay kala ahaayeen mid uu fuliyay ruux naftii hura ah iyo mid kale oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ladhigay Irida hore ee Maqaayada.

Sida dad xaadir ahaa markii wax dhacayeen ay xaqiijiyeen shan ruux ayaa dhaawacantay laba ruux oo uu kujiro ruuxii ismiidaamiyayna way ku dhinteen labada weerara eel ala eegtay Maqaayada.

Wali lama sheegin waxa uu ahaa bartilmaameedaka werarka iyada oo bur bur xooggan uu geestay qaraxa ka dhacay irida hore ee maqaayada, waxaana inta la’ogyahay ku bur buray afar gaari halka derbigii maqaayada marka ay ugu yartahay uu kadumay 10 mitir.

Wasiirka Amaanka qaranka iyo arimaha gudaha Soomaaliya iyo saraakiil lasocotay ayaa goobta tegay si ay u soo indha indheyaan wixii dhacay, waxaana maqaayada laweeraray ay kasoo horjeedaa Maqaayada kale ee Liido Sea Food oo bishii hore laweeraray.














_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada