Gabadhii ugu Horeesay oo Wariye ah oo sanadkan lagu Dilay Magaalada Muqdisho iyo Maamulka Raadiyaha ay ka shaqeeneysay

Gabadhii ugu Horeesay oo Wariye ah oo sanadkan lagu Dilay Magaalada Muqdisho iyo Maamulka Raadiyaha ay ka shaqeeneysay

Cabdi Kariim Xassan Bulxan, agaasimaha Radio Caabudwaaq ayaa waxa uu xaqiijiyay in gabar wariya aheyd oo xalay lagu khaarijiyay Muqdisho ay kamid aheyd Shaqaalaha raadiyahaasi, gaar ahaan qeybta Farsamada.
Bulxan ayaa waxa uu sheegay in gabadhaasi oo lagu magacaabi jiray Raxma Cabdi ay ku tababaratay idaacadaasi kadiba ay codsatay in ay farasmada ka sahqeyso mamulkuna uu ka’ogolaaday iyada oo wixii xilligaa ka danbeysanna kamid aheyd shaqaalaha.

Agaasimaha Radio Caabudwaaq waxa uu, dhanka kale, Shaaciyay in gabadhaasi asyan kasoo fasax qaadan maamulkooda, mar qur ahna lawaayay ayna maqleen geerideeda iyaga oo isweydiiyay halka ay ka baxday.

Cabdi Kariim masheegin in gabadhaasi lasoo afduubay iyo in iyadu ay iskeed u soo baxay.

Raxma Cabdi ayaa xalay lagu khaarijiyay degmada Yaakhsiid ee gobalka Banaadir iyada oo noqoneysa taariikhda Soomaaliya gabadhii ugu horeysay ee wariye Soomaaliyeed ah oo kooxa Bastooladley ah ay dilaan, waxa ayna noqoneysaa wariyihii sedaxaad ee sanadakaan Soomaaliya ugu dhinta dil toos ah ama weerar isqarxin ah.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada